Archive for October 2011
Siishali:(SIC)-Kulan soconayey laba maalmood (Oktobar 11 & 12, 2011) oo looga hadlayey arrimo la xiriira Bucad badeedda Somaliyeed oo ay mid yihiin, Xarigooda, Maxkamadeyntooda, dib ugu soo celinta dalkooda kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ahba, iyo u sharciyenta Maraakiibtu inay shaqaaleeyaan amni rayid ah (Private Security) si ay isaga waabiyaan ama difaacaan Burcad badeedda, iyo sidii Somaliya loogu dhisi lahaa kaabayaashi sharciga, sida Booliiska, Xabsiga iyo Maxkamadaha ayaa galabta ku soo gabagaboobay Jasiiradda Mahe ee dalka Seychelles. Read the rest of this entry »
Arbaco:(SIC)-Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay inay ka furayso Soomaaliya muddo bil gudaheed ah dugsi sare oo maadooyinkiisa ay ka mid noqon doonto luuqadda Turkiga, sidoo kalena lagu dhigan doono maadooyinka kala duwan ee cilmiga. Read the rest of this entry »
Muqdisho:(SIC)-Hay’adda SOS ayaa sheegtay inay markii ugu horreysay shaqaalaheedii kala baxday Muqdisho markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1985-kii oo la furay tuulada lagu xanaaneeyo caruurta iyo isbitaalka hooyada ee Muqdisho, isla markaana ay joojisay howlihii ay xarujntaas ka wadday. Read the rest of this entry »
Nairobi:(SIC)-Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya lagu soo bandhigi doono buug cusub oo uu qoray qoraa sare Khaliif Ashkir Diini, kaasoo lagu magacaabo ”Aan Sheego Wax Sheellaa’ Read the rest of this entry »
Sacudi:(SIC)-Aadan Xaaji Yabarow oo ah Gudoomiyaha gudiga Olymbic-ada Soomaaliyeed oo beryihii u danbeeyey isaga iyo wefdi uu horkacayo ay dalka boqortooyada Sucuudiga booqasho ku marayeen ayaa magaalada Jeddah kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sucuudiga ku dhaqan. Read the rest of this entry »Ohio:(SIC)- Waxaa la ogaysiinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka Maraykanka iyo Canada in ay dhici doonto xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayo Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay ka soo qayb galayaan dad aad u badan oo ay ka mid yihiin Siyaasiyiin, fanaaniin Soomaaliyeed iyo aqoon yahano ka kala imaanaya gobolada Maraykanka iyo Canada Xafladan waxa ay ka dhacaysaa magaalada Columbus Ohio USA waxaana lagu qabanayaa Hoolka weyn ee Hotelka Hyatt Read the rest of this entry »
Hargeysa:(SIC)-Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, ayaa si faahfaahsan u soo bandhigtay khayraadka kala duwan ee ku jira badda dalka, gaar ahaan kalluunka iyo wax-soo-saarkiisa. Read the rest of this entry »
Axad:(SIC)-Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa magaalada caasimada ah ee Khurtuum kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir. Read the rest of this entry »
Muqdisho:(SIC)-Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ay dadka badan waxyeelladu kasoo gaartay ayaa lagu qabtay maanta Muqdisho, waxaana ka qaybgalay madaxda DKMG ah oo ay ka mid yihiin madaxweyne Sheekh Shariif, ra’iisul wasaare C/weli Gaas, duqa Muqdisho iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan. Read the rest of this entry »
Addis-ababa:(SIC)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa casho sharaf u sameeyey Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Ethiopia, Xildhibaan ka tirsan Federaalka, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Ku xigeenkiisa, ganacsato soomaaliyeed iyo diplomaasiyiin. Read the rest of this entry »



















