Hargeysa:(SIC)-Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, ayaa si faahfaahsan u soo bandhigtay khayraadka kala duwan ee ku jira badda dalka, gaar ahaan kalluunka iyo wax-soo-saarkiisa.
Kulan ballaadhan oo Wasaaradda Kalluumaysigu shalay ku qabatay huteelka Maansoor, kaas oo ay ka qaybgaleen shirkadaha wadaniga ah ee ka shaqaysta kalluumaysiga, aqoonyahan, saraakiil ciidanka ilaalada xeebaha ka tirsan iyo marti sharaf kale oo badan, ayaa lagu sharraxay khayraadka ceegaaga badda Somaliland ee aan laga faa’iidaysan, waxaanna si gaar ah loo tilmaamay kalluunka iyo faa’iidooyin fara badan oo ku jira isticmaalkiisa, iyadoo ka qaybgalayaasha loogu diyaariyey madasha casuumad quraac ah oo laga diyaariyey kalluun noocyo kala duwan loo diyaariyey iyo weliba kalluun sidii badda looga soo saaray ah oo dadweynaha loo sharraxayey.
Kulanka loo hal-hays looga dhigay ‘maskaxduu koriyaaye cuna kalluunka,’ waxyaabaha lagu soo bandhigay waxa ka mid ahaa noocyada uu ka kooban yahay kalluunku iyo magacyada loo kala yaqaan, waxaanna halkaasi laga sheegay toban faa’iido cunida kalluunku u leedahay dadka, kuwaas oo kala ah;
Hoos-u-dhigidda dhiigkarka, dhimista xannuunnada wadnaha iyo hagaajinta shaqada wadnaha, kor-u-qaadida shaqada maskaxda, indhaha iyo kobcinta dareemayaasha carruurta, ka hortagga oof-wareenka, dicaaca xannuunada sigaar cabistu keento, caawinta dadka caabuqa qaba, kor-u-qaadida nidaamka difaaca jidhka, difaaca xannuunka kansarka, difaaca lafaha burburka iyo bararka xubnaha iyo kala goysyada iyo dhimista miisaanka.
Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Badda iyo Kalluumaysiga Mr. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljere) oo kulanka hadal ka jeediyey, ayaa ka waramay hawlaha shaqo ee wasaaraddiisu hayso, khayraadka fara badan ee ku jira badda iyo weliba qorshahooda mustqabalka.
“Khayraadka baddeena ku jira midh midhka kalluunka ah ee aynu hudheelada ku cuno ayuun baynu ka soo qabsanaa oo isaguna aan inagu filnayn, dawladihii Somaliland ee kala dambeeyey runtii mudnaanta kowaad umay ahay in kalluumaysiga hore loo mariyo, sababtuna waxay ahayd duruufihii aynu ku soo jirnay oo ahaa nabad, dejin iyo ummadda oo la isku keeno. Hadda waxa inagu waajib ah in aynu horumarinta u dhaqaaqno, sidaa daraadeed xukuumaddan hadda jirta waxa siyaasadeeda ah in la kobciyo oo hore loo mariyo wasaaradaha wax-soo-saarka ee ay ka mid yihiin kalluunka, beeraha, xoolaha iyo wixii la mid ah,” ayuu yidhi Md. Geeljire.
“Dadweynaha waxaannu ku dhiirigelinaynaa inay u soo jeestaan khayraadka baddeena, gaar ahaan cunista kalluunka oo nolosheena iyo dhaqaalaheenaba u wanaagsan, shaqana laga helayo.”
Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu sheegay in kalluumaysatada dalka oo shaqo culus dalka u haya ay haystaan duruufo adagi, waxaannu yidhi, “Kalluumaysatadeenu waxay ku jiraan duruufo adag oo ah mid dhaqaale, tababar, qalab, suuqgeyn iyo kuwa kale, ayaa weliba waxa u dheer inay caawiyaan ciidankeena ilaalada badda oo falal badan oo budhcad-badeed ah iyaga ayaaba qaarna soo qabtay waxna ciidanka ku soo wargeliyey, markaa shaqo badan ayey hayaan.”
Wasiir Geeljire waxa uu tilmaamay in wasaaradda ay u sameeyeen sharci cusub oo lagu maamulayo khayraadka badda iyo kobcinta horumarinta wax-soo-saarka oo uu sheegay inay tahay mid ka go’an, iyaga oo la kaashanaya cid kasta oo ay khusayso.
Waxa kale oo Mr. Geeljire uu ka codsaday Madaxweynaha in ciidammada ilaalada xeebaha la hoos geeyo wasaaraddiisa, “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaan halkan codsi uga jeedinayaa in ciidammada xeebaha iyo ilaalada badda loo soo wareejiyo Wasaaradda Kalluumaysiga si ay annaga si toos ah noo hoos yimaadaan.”
Wasiirka Kaluumaysigu wuxuu u mahadnaqay iskaashatooyinka iyo shirkadaha Kalluumaysiga oo uu sheegay inay kulankaasi kaga qaybqaateen kalluunka lagu soo bandhigay.
Dhinaca kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Kalluumaysiga Pof. Saam Cumar Geeddi ayaa halkaasi ka jeediyey warbixin dheer oo la xidhiidhay waxqabadka iyo qorshayaasha mustaqbalka ee wasaaraddaaas.
xigasho Jamhuuriya.info
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer


















