Ohio:(SIC)- Waxaa la ogaysiinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka Maraykanka iyo Canada in ay dhici doonto xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayo Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay ka soo qayb galayaan dad aad u badan oo ay ka mid yihiin Siyaasiyiin, fanaaniin Soomaaliyeed iyo aqoon yahano ka kala imaanaya gobolada Maraykanka iyo Canada Xafladan waxa ay ka dhacaysaa magaalada Columbus Ohio USA waxaana lagu qabanayaa Hoolka weyn ee Hotelka Hyatt .
Cinwaankuna waa: Ay Hyatt Regency 350 North High Street Columbus Ohio 43215
Taariikhda iyo Waqtiga waa:
October 22, 2011 @ 5:00 – 10:00 PM.
Wixii Faah faahin ah Fadlan la xariir lanabarada Hoose
614-496-5588 – 614-316-6181- 614-354-6001.
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer



















