Sacudi:(SIC)-Aadan Xaaji Yabarow oo ah Gudoomiyaha gudiga Olymbic-ada Soomaaliyeed oo beryihii u danbeeyey isaga iyo wefdi uu horkacayo ay dalka boqortooyada Sucuudiga booqasho ku marayeen ayaa magaalada Jeddah kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sucuudiga ku dhaqan.Adan Yabarow ayaa ku amaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sucuudigu sida ay ugu heelan yihiin horumarinta Sports-ka Soomaaliyeed , wuxuuna sidoo kale uga mahad celiyey sida diiran ee ay isaga iyo wefdigiisaba usoo dhoweeyeen.
udoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah ku nool oo isna madashii ay xaflada wefidgaas lagu soo dhoweynayey ka dhacaysey ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan dhaq dhaqaaqo Sports oo aad u firfircoon kuwaas oo ay Soomaalidu Jeddah ku nooli wadaan.
Waa markii ugu horeysey oo ay Guddiga Olympic-ada Soomaaliyeed ay kulan laa qaataan qaar kamid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka boqortooyada Sucuudiga ku dhaqan.
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer


















