Helsinki:(SIC)-Wariye Cabdiwali Xaashi oo ka mid ah shaqaalaha Tv-qaranka Filand ayaa waxa uu safar gaaban ku tagay xeryaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya iyo Magaalada Muqdisho. xeryaha barakacayaasha.
Cabdiwali Xaashi ayaa soo bandhigay Filim ka turjumaya wax yeelada soo gaartay shacabka Soomaaliyeed .Wax yaabihii ugu yaabka badnaa waxay ahayd in xeryaha qaxoootiga ee Kenya ay ku geeri yoodaan tiro gaaraysa 10 caruur Soomaaliyeed maalin kasta kuwaa soo u le,anaya gaayo iyo dawo la,aan.
Filimkii labaad ee uu ka soo diyaariyay magaalada Muqdisho ayaa isna waxa uu ku soo qaatay xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho. Dhacdooyinkii uu soo qaatayna waxaa ka mid ahaa wiil yar oo 5 jir oo aan la hayn waalidkii dhalay iyo cid qaraaba u ah toonna , iyadoo wiiilkaasi ay xanaaneeyaan qoysaska Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha .
Wariye Cabdiwali waxaa sidoo kale Filimkiisa ka mid ahaa booqasho uu ku tagay Isbitaaladda magaalada Muqdisho, waxa uuna soo bandhigay bukaanno farabadan oo aan haysanin daawo ku filan iyo adeegii ay u baah naayeen intaba .
Waxaa sidoo kale uu wariye Cabdiwali uu waraysi la yeeshay Jeneral Dhagabadan oo uu waydiiyay sida dowladda ay ku soo celin karto amniga dalka waxa uuna yiri Jeneraalku waxaan rajaynaynaa in ay ciidamda dalku ku filnaan doonaa amaan soo celita dalka haddii aan la helin ciidan qaran oo dalka hantana aysan wax qabin karin , kooxaysi, Qabiil, iyo Alshabaab middoodna.
Isku soo wada duuboo Filimkan ayaa laga soo siidayn doonaa Tv-ga-qaranka Finland ee YLE isagoo loo turjumay luuqadaha Finsihka iyo Englishka ,waxaana la daawan doona 24 Oktoobar.Filimkan ayaa muujinaayay dhaawaca soo gaaray shacbaka Soomaaliyeed oo aan haysan dal iyo dad u danqada oo wax ka qabta dhibaatada haysata,iyadoo dad weynihii ka soo qayb galay kulan kaasi ay u mahad celiyeen Wariye Cabdiwali Xaashi sida xilkas-nimada ah ee uu isaga xilqaamay samaynta Filimkan mana ahayn markii ugu horaysay oo uu Filim ka soo diyaariyo dalka Soomaaliya, isagoo hadda ka hor Filim ka soo diyaariyay buracad badeeda Soomaaliada .
(Hoos ka Daawo Sawirrada)
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

























