Waraysi: Dr. Amed Farah Du,alle
Waraysiga: Madaxweynaha Jubbaland State of Somalia oo ay waraysatay shabakadda Saadaalnews.com waxaan dib u habayn ku sameeyay Somaliinfo ( Daawo )
Taageerada Wasiir kuxigeenka W/F
Kulan lagu taageeray wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta iyo Boostada Cabdi-shakuur Cali Mire oo ay ka qayb galeen wariye yaasha gobolka Banaadir
Shariif Xasan Dhacdo Rasmi ah !!
shariif xasan oo u dhaartay wasiir xoosh iskuna haystay 8 xubnood baarlamaan ah daawo Vediogan)
Booqo boggan waa kuu muhiim !!
Shirkii Garowe oo lagu hishiiyay !!
Shirkii Wadatashiga Soomaalida ee ka socday Garowe oo soo af-meermay, Maxaase lagu hishiiyay(+Sawirro)
Daawo Muuqaalka Caabud-waaq
Vedeogan waxaan ka soo diyaarinay muuqaalka guud ee caabud-waaq , waxaan filyaa in aad ka boggan doontaan muuqaal keeda Daasho wacan)
R/W Gaas iyo M/weynaha DS-Ethopia
R/W Gaas oo la kulmay Madaxweynaha Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethopia iyo Madax kale(+Sawirro)
Dhagayso Muxaadarooyinka
Qudbad ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo Sheekh Maxamed Idiris Daawasho wacan)
Starsom Traveling Agency
Waxay kuu jaraysaa tigidho diyaaradeed oo caalamka meeshii aad ka doonto(Riix Halkan)
Finland Channel-tv Links

Hargeysa:(SIC)-Madaxa guud ee hay’adda Caalamiga ah ee Unicef ee Somaliland Miss Ettie Higgins ayaa ka warbixisay faa’idada uu Talaalka cudurka dabayshu u leeyahay caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano, taas oo sheegtay in cudurkaasi ka hortag mooyaane aanu dawo lahayn, isla markaana shacbiga Somaliland ugu baaqday inay ubadkooda ka talaalaan cudurkaas.

Miss Ettie waxa ay tilmaamtay in dad warxumo tashiil wadaa dacaayad ka fidiyeen Talaalka cudurka Dabaysha, taas oo sheegtay in Talaalkan lagu soo sameeyey wadanka Islaamka ugu badan dunidu ay ku nool yihiin ee Indonesia.

Madaxa guud ee hay’adda Caalamiga ah ee Unicef ee Somaliland Ettie Higgins waxa ay tibaaxday in cudurkan Somaliland laga dabar jaray, balse ay fiican tahay in laga hortago, maadaama bay tidhi uu ku soo noqday wadamo badan oo dunida ka mid ah.

Ettie waxa ay sidaas ku sheegtay mar ay shalay ka hadlaysay Xaflad lagu shaacinayey Wareegii Sadexaad ee Cudurka Dabaysha oo Maanta oo Isniin ah ka bilaabmi doona dhamaan goboladda iyo degmooyinka dalka. Ugu horayna iyada oo ka hadlaysa khatarta Cudurka Dabayshu, waxa ay tidhi

“Sida aynu la wada socono Cudurka Dabayshu maaha Cudur meel kaliya ku eeg ama qolo kaliya ku eeg ama midab gaar ah doonta ee waxa weeyaan cudur ku wada dhaca dhamaan noolaha dunida guudkeeda ku nool oo dhan ama cadaan ha ahaado ama madaw ha ahaadee,waxaanu cudurkan dabayshu uu aafeeyaa oo uu waxyeeleeyaa ubadkeena yaryar oo halis u ah, taas oo aan lahayn dawo balse leh ka hortag hadii uu caruurta ku dhacana uu naafaynayo”.

Ettie Higgins iyada oo hadalkeeda sii wata, isla markaana ka hadlaysa xidhiidhka ka dhaxeeya Hay’addooda, WHO iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxa ay tidhi “Laga soo bilaabo 1998-kii hay’adda Unicef, Wasaaradda Caafimaadka iyo WHO waxa ay lahaayeen xidhiidh joogto ah oo ay kaga hortagayaan sidii xanuunkan Dabaysha wax looga qaban lahaa ama looga hortagi lahaa, Alle mahadi ha ka gaadhee guulbay ka gaadheen marka laga soo bilaabo sanadkii 2002-dii ilaa 2005-tii may jirin wax cudur ah ama calaamad ah oo cudurkan ku saabsan oo wadanka Somailland ka jira, waxa dhacay markii uu Xamar ka dilaacay inuu dib inoogu soo rogaal celiyey, soo noqoshadaasi waxay keentay inuu markaa cudurkii ka dilaaco gobolka Togdheer, markuu ka dilaacay 2006-dii mudo yar oo kooban ayaa lagu joojiyey oo ku ekayd 2007-dii bishii February makaa laga soo bilaabo ilaa maalintaa ilaa hada wax calaamad ah oo cudurkaa ku saabsan oo la helay ma jirto, taasna waxa keenay wada shaqaynta joogtada ah ee ka dhaxaysa hay’adda Unicef, WHO iyo Wasaaradda Caafimaadka”.

Madaxa guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Unicef Miss Ettie Higgins mar ay ka hadlaysay guusha laga gaadhay ka hortaga cudurka Dabaysha waxa ay tidhi “Guusha aynu gaadhnay maaha mid la dhayalsan karo ee waa mid u baahan in halkeeda laga sii wado si taa loo sii wado dhawaan waxaa lagu guulaystay in wadanka Australia ku deeqo dhaqaale lagu hirgaliyo hawshan aynu ka hadlayno hadii Ilaahay nafta inagu simo, waxa iyaduna intaa inoo dheer oo iyaduna hawshan inoogu jirta Talaalkan aynu ka hadlayno waa talaal wanaagsan oo Save ah oo aynaan uga baqanaynin dhibaatooyinka dadka warxumo tashiilka ahi ay meelahaa ka sheeg sheegaan. Si kale hadii aynu u dhigno Talaalka waxa lagu soo sameeyey wadan Islaamka ugu balaadhan ee Indonesia, waxa iyaduna arinta daba socota arin kale oo noqonaysa si dadka war xumo tashiilka ah meesha looga saaro oo aanu loogu soo gabanin diinta Islaamka waxa xidhiidh joogta ah lala yeeshay culimo awdiinka iyo Shiyukhda had iyo jeerna waxaanu jecelnahay inaanu xooga saarno meelaha inta badan dhibtu inagaga timaado sida gobolka Togdheer oo kale”.

Iyada oo hadalkeeda sii wadata, kana hadlaysa doorka hay’adda Unicef ee la dagaalanka Dabaysha, waxa ay tidhi “Hay’adda Unicef waxa ay kaalin mugleh kaga jirtaa oo ay Wasaaradda Caafimaadka ka caawisaa Talaalka, talaalkuna maaha kan dabaysha oo kaliya ee dhamaan Talaalada yaala wadankeena oo dhan oo ay iyadu wadanka keento, taas oo Wasaarada Caafimadku qaybiso Xanaanooyinka iyo MCH-da halka qaarna ololaha dabaysha lagu galo oo dhamaan goboladda dalka oo dhan la geeyo. Waxa kale oo imika jira oo Wareegii Sadexaad 2011 Unicef kaalinteeda ayey ka qaadataa, waxa kale oo Unicef diyaar u tahay in Talaalkana ay Kaalinta ugu wayn ka qaadato. Ugu danbayn waxaan leeyahay dhamaanteen aynu gacanta isku qabsano sidii aynu u cidhibtiri lahayn Cudurka dabaysha”.

Leave a Reply

Radio Somali-Info Axadkasta 12-13

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Baro Luuqada Finnishka!!!
Adan Abdi- Gud. Ururka Gannaane
Guddoomiyaha ururka Gannaane-ry Adan Abdi Kharash oo waraysi siiyay Somalichannel-tv isagoo ka war bixinaya waxqabdka ururka (Daawo)
Waraysi Dr.Said Karshe Helsinki
Waraysi: aanu la yeelanay Dr.Siciid Kaarshe oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaalida Helsinki-Finland ee Daawasho Wacan
Saleebaan Xagel-toosiye iyo Helsinki
Wafdi xeer caalami ah oo u hogaaminayo Wasiirka dibu-dejinta Somaliland Saleebaan Xagele-toosiye oo xaflad soo dhawayn ah u sameeyeen Jaaliyadda Somaliland ee Helsinki(Daawo)
Wasiirada Finland iyo Muqdisho !!
Wafdi Heer Waasiira ah oo ka Socda Finland Oo gaaray Muqdisho 1.4.2013(Sawirro)
Tacasi: Sheekh Cabdiqadir Gacmeey !!
Jaaliyadda Filand kana soo jeeda Puntland oo tacsi hawada umarinaya Sheekh Cabdiqaadir Faarax ( Gacmeey) Illaahay ha unaxariisto:
Aroos: Xassan iyo Faadumo
Hambalyo Meherka iyo Arooska Xasan Cabdi Kharash iyo Fadumo Cali  Gurxan oo uu March 2, 2013 Arooskoodu ka dhacay magaalada Joensuu ee wadanka Findland.
Ray Waa Caawiyaha Ururada Bulshada
Ray-Tukee waa urur caawiye ururada wax-qabadka la yimaada (Riix-Halkan)
Dalbo Mashruuca Luuqadaha !!
Dalabka Mashruuc Dhaqaale oo Lagu horumarinayo Luuqado Badan Iyo Farshaxanka (RIIX-HALKAN)
IOM How-shaqo ka wada Samaliya
Hay,adda IMO Iyo Wasaaradda Arrimiha Dibadda Ee Finland Oo Howlo Shaqo Ka Fuliyay Wadanka Soomaaliya.
Kanva oo koox siisay Qalab Spotrs
Ururka Kanava xaruntiisa Muqdisho oo kooxo Sports ah guddoon siisay Qalab Isboorti .
Fasiirka Jabuuti u fadhiya Finland
Safiirka u fadhiya Jabuuti dalka Ruusha iyo Finland oo booqosho ku yimid Helsinki Asagoo la kulmay madaxda dalka Finland
Xaflad LaguTaageeray Jubbaland
Xafladda Taageeradda Maamul Usamaynta Jubbaland ee Jaaliyadda Finland Oo lagu qabtay Magaaladda Helsinki( Daawo)
Taageerada Madaxweyne Xasan Skeekh
Jaaliyadda Soomaalida Finland oo Xaflad Taageera ah u samaysay Madaxweyne Xassan Sheekh( Daawo)
Xariif-Shop Helsinki-Finland
Dukaanka Xariif-Shop Waxa ku yaala Xaafadda Sornainen Ciwaanka Hameentie 36 Helsinki Waxaad u soo raaci kartaa, Daraamka 7B iyo 6 Hadaba hamoogaan Dukaanka Xariif .Shop oo diyaar kuula ah adeeg hufan iyo soo dhawayn ( Daawo)