Waraysi: Dr. Amed Farah Du,alle
Waraysiga: Madaxweynaha Jubbaland State of Somalia oo ay waraysatay shabakadda Saadaalnews.com waxaan dib u habayn ku sameeyay Somaliinfo ( Daawo )
Taageerada Wasiir kuxigeenka W/F
Kulan lagu taageeray wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta iyo Boostada Cabdi-shakuur Cali Mire oo ay ka qayb galeen wariye yaasha gobolka Banaadir
Shariif Xasan Dhacdo Rasmi ah !!
shariif xasan oo u dhaartay wasiir xoosh iskuna haystay 8 xubnood baarlamaan ah daawo Vediogan)
Booqo boggan waa kuu muhiim !!
Shirkii Garowe oo lagu hishiiyay !!
Shirkii Wadatashiga Soomaalida ee ka socday Garowe oo soo af-meermay, Maxaase lagu hishiiyay(+Sawirro)
Daawo Muuqaalka Caabud-waaq
Vedeogan waxaan ka soo diyaarinay muuqaalka guud ee caabud-waaq , waxaan filyaa in aad ka boggan doontaan muuqaal keeda Daasho wacan)
R/W Gaas iyo M/weynaha DS-Ethopia
R/W Gaas oo la kulmay Madaxweynaha Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethopia iyo Madax kale(+Sawirro)
Dhagayso Muxaadarooyinka
Qudbad ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo Sheekh Maxamed Idiris Daawasho wacan)
Starsom Traveling Agency
Waxay kuu jaraysaa tigidho diyaaradeed oo caalamka meeshii aad ka doonto(Riix Halkan)
Finland Channel-tv Links

Gabiley:(SIC)-Madaxwayne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo Maamulka Dawlada hoose ee Degmada Gabiley ka hirgaliyeen magaalada Gabiley, mashaariicdaas oo isugu jiray dhismayaal iyo waddooyin.

Madaxwayne-kuxigeenka oo ay wehelinayeen raxan ka tirsan Golaha Wasiirada ee xukuumada tallada dalka haysa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Hawlaha Guud iyo guriyeynta, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, La- taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Siyaasada, Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Golayaasha Madaxtooyada, Agaasimaha Deeqaha ee Xafiiska Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha, isla markaana soo gaadhay magaalada barqanimadii shalay waxa duleedka bari ee magaalada kaga hor tagay masuuliyiinta Gobolka iyo Madaxda Degmada oo ay hor kacayaan Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Cali Aadan Meecaad iyo Maayarka Magaalada Marwo Khadra Xaaji Gaydh. Iyada oo dhinaca kalena ay Jidka hareero tubnaayeen dadwayne aad u tiro badan oo qaarkood ku labisnaayeen dharka hiddaha iyo dhaqanka, iyaga oo sidoo kalena lulayey caleemo qoyan iyo astaanta qaranka, kuna dhawaaqayey hal-ku-dhegyo ay ku muujinayeen soo dhawayntooda weftiga madaxweyne-ku-xigeenka.

Madaxwayne-ku-xigeenka iyo xubnaha waftigiisan oo bilowgii ay soo gaadheen gudaha magaalada Gabiley xadhkaha ka jaray Mashaariicda Dawladda Hoose ee Gabiley hirgeliyeen oo kala ahaa laba wado midkiiba 500m tahay, dhisme ay ku kordhiyeen Xarunta Agoomaha Gabiley, laba fasal oo ay sidoo kale ku kordhiyeen Dugsiga Hoose/dhexe ee Guudle iyo dhismaha hool aad u wayn oo qaadi doona ku dhawaad kun qof oo ay ka hir-galiyeen Gudaha Xarunta Dawlada/hoose ee Gabiley.

Ka dib markii la soo gaba-gabeeyey Xadhig-jaristii dhismaha hoolka cusub ee Xarunta Dawlada/hoose, ayaa munaasibad ballaadhan oo si wayn loo soo agaasimay loogu qabtay isla hoolka xadhiga laga jaray, taasi oo ay ka qaybgaleen salaadiin, cuqaal, wax-garadka reer Gabiley, Madaxda Ururrada Arrimaha Bulshada, iyo ururrada haweenka iyo waliba marti sharaf kale oo badan.

Waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil oo si wayn ugu mahadceliyey Madaxda Gobolka iyo kuwa Degmada, sidoo kalena si wayn u hambalyeeyey Maamulka Dawlada/Hoose ee Gabiley oo uu ku tilmaamay inay kaga dhabeeyeen ballan-qaadkii xisbigoodii KULMIYE bulshada u fidin jireen, isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “ Waxaan hambalyo u dirayaa Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo Xog-hayaha Dawlada hoose ee Gabiley oo aan ku hambalyeynayo intii ay hayeen xilkan waxqabadyada ay ku tallaabsadeen. Waxaanay kaga dhabeeyeen oo ay qayb ka tahay ballan qaadyadii uu Xisbiga KULMIYE hore ugu balan qaaday dadwaynaha ee ahaa in wax muuqda loo qabanayo.”

Md. Saylici, waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyada nabadgalyada iyo heerka ay Somaliland ku soo gaadhay, “Labaatankaa sanno ee Somaliland jirtay waxay halkaa ku soo gaadhay Nabadgalayo ay qaybaha kala duwan ee dadwaynuhu isla qaateen, waana ta keentay in Horumar intuu doono ha leekaadee lagu tallaabsaday. Dadwaynahana waxaan u soo jeedinayaa in ay dhinac uga soo wada jeestaan wixii carqalad galinaya Nnbadgalyada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi; “Halkan waxaan u imi in aan ka qaybgalo wax qabadka reer Gabiley ku tallabsadeen. Horumar ayuu caalamku ku tartamayaa, waxaanan ku hambalyeynayaa tartankaa ay u galeen in ay ka mid noqdaan degmooyinka horumarka ku tallaabsaday. Dhammaan gobolada Somaliland iyo degmooyinkiisa oo dhan kuma jiraan ruux dumar ahi marka laga reebo Gabiley, Gabileyna Khadri wax qabad ayey u muujisay, waanan ku hambalyeynayaa.

Horumarka, sharafta iyo nolashaba waxaa saldhig u ah nabad, hadii nabad la waayana nolol suurtogalaysaa ma jirto, waxaanan u mahadnaqayaa Abiib Diiriye oo hore u ballan qaaday imikana ballanqaaday in uu ka qaybqaadanayo wax ka qabashada arrimahaa Seemaal iyo sidii baadi goob loogu galayey cidii gaysatay dhibtaa.”

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Axmed Xaashi Oday oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in Gabilay noqonayso goob dalxiis oo dadku u nasasho tagaan, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi;“Gabiley waxay noqonaysaa Afgooyihii Xamar oo kale, markii aanu Muqdisho joognay Afgooye waxaa tagi jiray Kolba labadii qof iyo cid kasta oo muraado gaar ah leh, iyo qof kasta oo u baahan meel uu saacado ku nasto. Markaa maanta Gabiley waxay u noqonaysaa Hargaysa in kolba labadii qof ee muraad lihi yimaado, iyo kolba qofkii nasasho u baahani, waa meel dalxiiska ku fiican.”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo iyana xafladaa ka hadashay, ayaa maayirka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh ku hambalyeysay waxqabadka muuqda ee ay ku tallaabsatay mudadii ay xilka haysay, iyada oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaan hambalyeynayaa walaashay Khadra Xaaji Gaydh, waxaanan ku hambalyeynayaa waxqabadkaa muuqda ee ay ku tallaabsatay, waxa kale oo aniga oo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaa marxuumiintii dilka loogu gaystay Deegaanka Seemaal, qofkii waaxaa ku tallaabsadayna waxaa shacbiwaynaha ka codsanayaa in ay dawlada ka caawiyaan sidii gacan ku dhiiglayaasha gacan loogu soo qaban lahaa.”

Waxa kale oo isna halkaas hadal ka jeediyey Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), kaasi oo yidhi; “Munaasibadan u maynu iman in aynu shacbiga reer Gabiley canaan u la nimaadno, munaasibadanina waa mid farxadeed oo wax qabad muujinaysa in aynu ku ammaano wax qabadka ay ku tallaabsadeen weeyi, ee maaha in aynu canaanano.”

Wasiirka Hawlaha Guud Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo isna halkaa ka hadlay ayaa si tilmaamay in cid kasta ay ku dhex jiraan dad sharwadayaal ah oo markasta dhibaato u taagan, isaga oo ku baaqay in bulshadu iska qabato cidii dhibaato u gaysanaya nabadda iyo wada noolaanshaha bulshadda dhexdeeda, waxaanu hambalyeeyey waxqabadka ka hirgalay magaalada Gabiley.

Maayarka Magaalada Gabiley oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in mashaariicdan ay ku tallaabsadeeni iyada iyo Maamulkeedu ee xafladii Furitaankeedana ay ka soo qaybgaleen Madaxwayne-ku-xigeenka iyo Wasiirada tirada intaa leeg iyo Madaxda Qaranka. Waxaanay ballanqaaday in mudada ay joogto kaga tagi doonto Gabiley taariikh.

Waxa kale oo Iyaguna halkaa ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Cuqaal tiro badan oo dhammaantood hambalyeeyey tallabooyinka horumarineed ee lagu tallaabsaday mudadii xukuumadani talada dalka haysay.

 Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

Leave a Reply

Radio Somali-Info Axadkasta 12-13

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Baro Luuqada Finnishka!!!
Adan Abdi- Gud. Ururka Gannaane
Guddoomiyaha ururka Gannaane-ry Adan Abdi Kharash oo waraysi siiyay Somalichannel-tv isagoo ka war bixinaya waxqabdka ururka (Daawo)
Waraysi Dr.Said Karshe Helsinki
Waraysi: aanu la yeelanay Dr.Siciid Kaarshe oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaalida Helsinki-Finland ee Daawasho Wacan
Saleebaan Xagel-toosiye iyo Helsinki
Wafdi xeer caalami ah oo u hogaaminayo Wasiirka dibu-dejinta Somaliland Saleebaan Xagele-toosiye oo xaflad soo dhawayn ah u sameeyeen Jaaliyadda Somaliland ee Helsinki(Daawo)
Wasiirada Finland iyo Muqdisho !!
Wafdi Heer Waasiira ah oo ka Socda Finland Oo gaaray Muqdisho 1.4.2013(Sawirro)
Tacasi: Sheekh Cabdiqadir Gacmeey !!
Jaaliyadda Filand kana soo jeeda Puntland oo tacsi hawada umarinaya Sheekh Cabdiqaadir Faarax ( Gacmeey) Illaahay ha unaxariisto:
Aroos: Xassan iyo Faadumo
Hambalyo Meherka iyo Arooska Xasan Cabdi Kharash iyo Fadumo Cali  Gurxan oo uu March 2, 2013 Arooskoodu ka dhacay magaalada Joensuu ee wadanka Findland.
Ray Waa Caawiyaha Ururada Bulshada
Ray-Tukee waa urur caawiye ururada wax-qabadka la yimaada (Riix-Halkan)
Dalbo Mashruuca Luuqadaha !!
Dalabka Mashruuc Dhaqaale oo Lagu horumarinayo Luuqado Badan Iyo Farshaxanka (RIIX-HALKAN)
IOM How-shaqo ka wada Samaliya
Hay,adda IMO Iyo Wasaaradda Arrimiha Dibadda Ee Finland Oo Howlo Shaqo Ka Fuliyay Wadanka Soomaaliya.
Kanva oo koox siisay Qalab Spotrs
Ururka Kanava xaruntiisa Muqdisho oo kooxo Sports ah guddoon siisay Qalab Isboorti .
Fasiirka Jabuuti u fadhiya Finland
Safiirka u fadhiya Jabuuti dalka Ruusha iyo Finland oo booqosho ku yimid Helsinki Asagoo la kulmay madaxda dalka Finland
Xaflad LaguTaageeray Jubbaland
Xafladda Taageeradda Maamul Usamaynta Jubbaland ee Jaaliyadda Finland Oo lagu qabtay Magaaladda Helsinki( Daawo)
Taageerada Madaxweyne Xasan Skeekh
Jaaliyadda Soomaalida Finland oo Xaflad Taageera ah u samaysay Madaxweyne Xassan Sheekh( Daawo)
Xariif-Shop Helsinki-Finland
Dukaanka Xariif-Shop Waxa ku yaala Xaafadda Sornainen Ciwaanka Hameentie 36 Helsinki Waxaad u soo raaci kartaa, Daraamka 7B iyo 6 Hadaba hamoogaan Dukaanka Xariif .Shop oo diyaar kuula ah adeeg hufan iyo soo dhawayn ( Daawo)