Waraysi: Dr. Amed Farah Du,alle
Waraysiga: Madaxweynaha Jubbaland State of Somalia oo ay waraysatay shabakadda Saadaalnews.com waxaan dib u habayn ku sameeyay Somaliinfo ( Daawo )
Taageerada Wasiir kuxigeenka W/F
Kulan lagu taageeray wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta iyo Boostada Cabdi-shakuur Cali Mire oo ay ka qayb galeen wariye yaasha gobolka Banaadir
Shariif Xasan Dhacdo Rasmi ah !!
shariif xasan oo u dhaartay wasiir xoosh iskuna haystay 8 xubnood baarlamaan ah daawo Vediogan)
Booqo boggan waa kuu muhiim !!
Shirkii Garowe oo lagu hishiiyay !!
Shirkii Wadatashiga Soomaalida ee ka socday Garowe oo soo af-meermay, Maxaase lagu hishiiyay(+Sawirro)
Daawo Muuqaalka Caabud-waaq
Vedeogan waxaan ka soo diyaarinay muuqaalka guud ee caabud-waaq , waxaan filyaa in aad ka boggan doontaan muuqaal keeda Daasho wacan)
R/W Gaas iyo M/weynaha DS-Ethopia
R/W Gaas oo la kulmay Madaxweynaha Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethopia iyo Madax kale(+Sawirro)
Dhagayso Muxaadarooyinka
Qudbad ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo Sheekh Maxamed Idiris Daawasho wacan)
Starsom Traveling Agency
Waxay kuu jaraysaa tigidho diyaaradeed oo caalamka meeshii aad ka doonto(Riix Halkan)
Finland Channel-tv Links

Helsinki:(SIC)-Swedan oo ku guuleysatay Tar-tankii Cayaartoyda Cuslaatay oo loogu magacdaray Axmed Cali Xasan (Jamhuuriya) Qaarada Yurub oo Ka Dhacay Wadanka Finland.

Magaaalada Helsinki ee caasimada wadanka Finland ayaa waxaa ka dhacay tar-tanka cayaartoyda cuslaatay ee wadamada Yurub. Tar-tankan oo sanadkan loogu magacdaray allah u naxariistee Axmed Cali xasan (jamhuuriya) oo bahda sportiga soomaaliyeed aad u wada yaqaaneen ahaana nin sporti ah, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay sagaal kooxood oo ka kala yimid wadamada Sweden, Denmark, Finland (Labo kooxood) iyo shan kooxood oo ka yimid wadanka England oo kala ah Streatham, Wambley, North London, Southall iyo koox ka timid magaalada Manchester.

Tar-tankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay ururka dhaqanka iyo sportiga ee SOCUS iyo qaar kamid ah bahda sportiga soomaaliyeed ee wadanka Finland. Cayaarahan oo ahaa kuwo aad u xiiso badnaa, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay cayaartoydii cuslaatay ee kooxihii heerka koowaad ee Seria A-da iyo kuwa hiwaayadoodu ay tahay cayaarida kubadda cagta oo ka cuslaaday tar-tamada, laakiin weli cayaara kubadda cagta.

Tar-tankan ayaa socday mudo labo maalmood ah oo kala ahaa 30 – 31.03.2012 Sagaalka kooxood ee tar-tanka ka soo qeyb-gashay ayaa maalintii koowaad wada cayaaray cayaaro wareegga koowaad ah. Ka dib, waxaa wareega labaad ee cayaaraha isugu soo baxay afarta kooxood ee kala ah Denmark, Sweden, Southall iyo North London.

Afarta kooxood ayaa u ciyaaray sidan

Sweden Vs North London 3 – 2

Southall Vs Danmark 5 – 4 (Rigoorayaal)

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha SOCUS mudane Ahmed Imad iyo Gud-xigeenka Isse jeyte, xogayaha ururka Qooje, juujuule, yaasiin kuwaasoo uga mahadceliyay kooxihii iyo shaqsiyaadkii ka soo qayb galey tartankaan,

Waxaa ka dib cayaartii kama danbeysta aheyd ee finalka aheyd isugu soo baxay labada kooxood ee kala ah Sweden iyo kooxda Southall oo ka socotay galbeedka magaalada London. Cayaartan oo aheyd cayaar aad u xiiso badneyd oo dad aad u badan ay ka soo qeyb-galeen ayaa waxay ku dhamaatay 3 – 2 ay ku guuleysteen kooxdii ka socotay wadanka Sweden.

Intii ay cayaarahaas socdeen ayaa waxaa loo gartay in uu noqdo cayaaryahankii ugu wanaagsanaa cayaaryahan cawad oo u ciyaaraayey swedan ahaana cayaartoydii hore ee soomaaliya qaranka iyo kooxdii bada, goolhayihii ugu wanaagsanaa waxaa loo gartay goolhayihii swedan Axmed, gool dhalinta waxaa ku guuleystay cali cadaani oo dhaliyey 6 gool.

Tar-tankii sanadkan 2012 oo ahaa kii lixaad ayaa waxaa ku guuleystay kooxdii ka timid wadanka Sweden oo uu horkacaayey Boos Caato iyo cali cade.

Tar-tankan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay cayaartoy badan oo caan ka ahaa wadanka soomaaliya oo ay kamid yihiin Nuur Gaab, Cawad, Sheegoow, Cabdullahi Baynax, Jackson, Sadak Moosow, Jamayka, Waaberi, Aweys Ider, Mustaf Farey, Siidi, Mustaf Adan, Cabdi Fitik, Cabdi Caagane, Bile Axmed Diiriye iyo Cumar Reeto.

Sidoo kale, waxaa cayaarahan goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay ururada sportiga, ururka Gos iyo xiriirada Wasaaradda Sportigga Soomaaliyeed.

Iyadoo halkaas ay ka hadleen mas,uuliyiin fara badan kuna dheeraaday sidii loo xoojin lahaa horumarinta sportiga gudaha iyo dibadaba waxay amaan gaara u soo jeediyeen ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka Finland ugana mahad celiyeen soo dhaweyntii wanaagsaneyd ee loo sameeyey.

Tar-tankan ayaa ku dhamaaday si wanaagsan oo nabad ah.

Diyaariye: Axmed Cabdullahi (Imad)

Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

 

 

Leave a Reply

Radio Somali-Info Axadkasta 12-13

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Baro Luuqada Finnishka!!!
Arday dhamaysay Qur,aanka Espoo
Xaflada qalinjabin ah oo loo sameeyay gabdho Soomaaliyeed oo dhameeyay Qur,aanka waxana dhigan jireen Dugsi Quraanka Masjidka Al-Nur Ee Xaafadda Suvella Espoo Daawasho wacan
Furitaanka Xafiiska SORASOD-ry
Waxaa maalintii qamiista ahayd bishuna ku beegnayd La furay Xafiiska Ururka Somali Reconstruction and Social Development-rt SORASOD waxaana ka faa,iidayan dhamaan Jaaliyadda (daawo)
Rer Finland Taageersan Jubbaland
Xaflad Lagu taageerayo maamul goboleedka Jubbaland State Of Somalia ee loo doortay Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka dhacday Maaladda Helsinki-Finland (Daawo)
Guddiga Qaranka Jaaliyadda Finland
Xafalad Lagu taageerayay Dowladda Soomaaliya oo soo diyaariyeen Guddiga Qaranka Jaaliyadda Finland Daawo)
Xuskii 18-May Ee Jaaliyadda Finland
Xaflad Lagu xusayey 18-May ee Maalinta gooni isutaaga Somaaliland oo Lagu qabtay wadanka Finland
Adan Abdi- Gud. Ururka Gannaane
Guddoomiyaha ururka Gannaane-ry Adan Abdi Kharash oo waraysi siiyay Somalichannel-tv isagoo ka war bixinaya waxqabdka ururka (Daawo)
Waraysi Dr.Said Karshe Helsinki
Waraysi: aanu la yeelanay Dr.Siciid Kaarshe oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaalida Helsinki-Finland ee Daawasho Wacan
Saleebaan Xagel-toosiye iyo Helsinki
Wafdi xeer caalami ah oo u hogaaminayo Wasiirka dibu-dejinta Somaliland Saleebaan Xagele-toosiye oo xaflad soo dhawayn ah u sameeyeen Jaaliyadda Somaliland ee Helsinki(Daawo)
Wasiirada Finland iyo Muqdisho !!
Wafdi Heer Waasiira ah oo ka Socda Finland Oo gaaray Muqdisho 1.4.2013(Sawirro)
Tacasi: Sheekh Cabdiqadir Gacmeey !!
Jaaliyadda Filand kana soo jeeda Puntland oo tacsi hawada umarinaya Sheekh Cabdiqaadir Faarax ( Gacmeey) Illaahay ha unaxariisto:
Aroos: Xassan iyo Faadumo
Hambalyo Meherka iyo Arooska Xasan Cabdi Kharash iyo Fadumo Cali  Gurxan oo uu March 2, 2013 Arooskoodu ka dhacay magaalada Joensuu ee wadanka Findland.
Ray Waa Caawiyaha Ururada Bulshada
Ray-Tukee waa urur caawiye ururada wax-qabadka la yimaada (Riix-Halkan)
Dalbo Mashruuca Luuqadaha !!
Dalabka Mashruuc Dhaqaale oo Lagu horumarinayo Luuqado Badan Iyo Farshaxanka (RIIX-HALKAN)
IOM How-shaqo ka wada Samaliya
Hay,adda IMO Iyo Wasaaradda Arrimiha Dibadda Ee Finland Oo Howlo Shaqo Ka Fuliyay Wadanka Soomaaliya.
Kanva oo koox siisay Qalab Spotrs
Ururka Kanava xaruntiisa Muqdisho oo kooxo Sports ah guddoon siisay Qalab Isboorti .
Fasiirka Jabuuti u fadhiya Finland
Safiirka u fadhiya Jabuuti dalka Ruusha iyo Finland oo booqosho ku yimid Helsinki Asagoo la kulmay madaxda dalka Finland
Xaflad LaguTaageeray Jubbaland
Xafladda Taageeradda Maamul Usamaynta Jubbaland ee Jaaliyadda Finland Oo lagu qabtay Magaaladda Helsinki( Daawo)
Xariif-Shop Helsinki-Finland
Dukaanka Xariif-Shop Waxa ku yaala Xaafadda Sornainen Ciwaanka Hameentie 36 Helsinki Waxaad u soo raaci kartaa, Daraamka 7B iyo 6 Hadaba hamoogaan Dukaanka Xariif .Shop oo diyaar kuula ah adeeg hufan iyo soo dhawayn ( Daawo)