Hargeysa:(SIC)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa difaacay adeegyada Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo laga dayriyey, kaas oo si adag u beeniyey warar ay ka faafiyeen Cisbitaalka qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxbanaan ee dalku.
Wasiirka Caafimaadka oo shalay Shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradaas ayaa waxa uu deedefeeyey warar ay Cisbitaalka Guud ka qoreen qaar ka mid ah Wargeysyada oo uu ku sheegay kuwa xaqiiqada ka fog, ayaa sidoo kale ka warbixiyay waxqabadkii wasaarada Caafimaadka mudadii Sanadka iyo Badhka ahayd ee u dambeysay, waxa kale oo uu tilmamaay in Dhakhaatiir badan oo Ajaniba ah oo Madashaas ku sugnaa ay wadanka u yimaadeen inay Adeegyo Caafimaad oo u badan Lacag la’aan ka fuliyaan cisbitaalka.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Xoog ayaa mar uu ka hadlayay Talaalka sheegay in qaar ka mid ah Saxaafadu ay si khaldan u tabiyeen, waxaanu intaas ku daray inuu Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa taagan yahay halkii ugu fiicnayd tan iyo Xiligii Gumaysigii Ingriiska.
Sidoo kale Dr. Xuseen Xoog ayaa tilmaamay in Wasaaradiisu ay Bilowday inay u fidiso Adeeg qaliin oo lacag la’aan ah, kaas oo loo samaynayo Hooyooyinka ay ku dheeraato foosha Dhalmadda ee u baahan qalniinka.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa waxa kale oo sheegay in todobaadka dambe la furi doono qaybta Mishiinada Kalyaha sifeeya ee cisbitaalka guud ee Hargeysa, una qorshaysan tahay in mishiinadaasi oo dadku wadamada jaarka la ah Somaliland u tagi jireen marka ay dhibaato ka haleesho dhinaca kalyaha ay hada wixii ka danbeeya dalka wax kaga qaban doonaan.
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer


















