Garowe:(SIC)-Maxkamadda sare ee Puntland ayaa shaacisay in uu ansax yahay Dastuurka Puntland ee aftida loo qaaday. Qoraal kasoo baxday maxkamada sare ee Puntland ayaa lagu cadeeyay sharciyada dastuurka Puntland iyo in uu ansax yahay.
Wareegtadan waxay maxkamadu ku shaacisay in Dastuurka Puntland wixii hada ka dambeeya uu yahay mid sharci ah, ayna waajib tahay ku dhaqankiisa.
Maxkamadda sare ee Puntland ayaa sharciyadan u cuskatay codkii aqlabiyadda ahaa ee dastuurka Puntland ay ku ansixiyeen 472 ka mid ah ergooyinkii gobollada Puntland ee Garowe 4-ta maalmood u fadhiyay shirweynihii ansixinta dastuurka Puntland wuxuuna qoraalka maxkamadda sare u dhignaa sidan “Kaddib markii maxkamada sare ee Puntland ay aragtay qodobada 95, 141, iyo 10-aad ee ku salaysan xeerka afti u qaadista iyo codaynta dastuurka, maxkamadu waxay caddaynaysaa in dastuurkaan uu yahay mid sharci ah loona baahan yahay in shacabku ay ku dhaqmaan”.
Qoraalka Maxkamadda sare ee Puntland ee ku aadan Sharciyadda Dastuurka Puntland ayaa ahaa mid aad looga dhursugayay kadib markii Ergada gobollada Puntland ay cod aqlabiyad leh ku ansixisay dastuurka Puntland.
Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer


















