Holand:(SIC)-Shirka faraca Holland ee xisbiga TAYO isugu yimaadeen ayaa waxaa dirada lagu saarayey sidii wax la isaga weydiin lahaa arrimaha u qabsoomay tan iyo markii lagu dhawaaqay xisbigan oo laga hirgeliyey wadanka Holland iyo xitaa arrimaha kale ee dhawaan looga fadhiyo inuu xisbigan ka fuliyo guud ahaan dalka Holland.
Abdirisaaq Ugaas oo ka mid ah xubnaha xisbiga TAYO Holland ee ka qeybgalay shirkaasi oo maanta u waramayey warbaahinta Kismaayo24.com ayaa waxaa uu sheegay inuu shirkooda ahaa is xogwareysi iyo ka hadlida sidii loo magacaabi lahaa maamulka Xisbiga TAYO Holland inta ka dhiman. Isagoona intaasi ku daray inay dhamaan xubnihii halkaasi isugu yimid isla fahmeen wixii ay kawada hadlayeen.
“Waxaa shirkeena uu ahaa mid muhiim u ah geedi-socodka Xisbiga TAYO Holland oo waxaa laga hadlayey arrimihii inoo qabsoomay intii aan jirnay iyo dhameystirka xubnaha maamul ee ka dhiman gudiga TAYO Holland. Dadkeena ka tirsan TAYO ee isku yimid waxaa inaga go’an waa meelmarinta hadafka loo dhisay TAYO oo ah dib usoo celintii wadaniyadii ummada Soomaaliyeed ee luntay dhowr iyo laaban sano ka hor” Ayuu yiri Abdirisaaq Ugaas oo ka tirsan TAYO Holland.
Shirka xubnaha TAYO Holland ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee shacabka Soomaaliyeed ee Holland ku nool looga qeybgelin lahaa Xisbiga TAYO,iyaddoo la ogyahay inuu Xisbigan yahay midka ugu taageerada badan ee iminka faraca ku leh dalka Holland. Waxaana shirkan ka soo qeybgalay xubnaha ay ka mid yihiin Shiikh Cumar oo ah guddoomiyaha TAYO Holland, Abdirahmaan Food oo ah Xoghayaha maaliyada TAYO Holland, Maxamed Mahdi Ceydiid oo ah Madaxda Warfaafinta TAYO Holland, Xamza Shiih Xuseen Hanoolaato, Sahro Diiriye Gamaadiid, Khadra Ali oo aheyd gabadhii Aliftay heesta xisbiga TAYO, Abdirisaq iyo Abdiqaadir Nuunow.
Abdirisaaq Ugaas ayaa mar uu ka hadlayey qorshahooda shacabka Soomaaliyeed ee Holland ku nool waxaa uu yiri.
” Waxaa inoo qorsheysan in Xisbiga TAYO iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Holland jooga la isku xiro,marka aan sidasi ku leeyahay waxaan uga jeedaa in xisbigan uu ku dhismay baahida ummada Soomaaliyeed kadib markii ay sameeyeen dibadbaxyo ay ku taageerayeen iftiinkii uu bilaabay Xoghayaha guud ee Xisbiga Mudane,Farmaajo xilli uu ahaa Ra’iisul Wasaare, taasi ayaana keentay in xisbigan la furo kadibna shacabka loo daayo inay ka tashtaan aayahooda” Ayuu yiri Mudane, Abdirisaaq Ugaas.
Inkastoo shirka la iskula soo qaaday dhameystirka xubnaha maamulka ee Xisbiga TAYO qeybtiisa Holland ayaa haddana waxaysan ku dhawaaqin xubno cusub oo kusoo biiraya sadexdii xubnood ee dhawaan looga dhawaaqay shirkii 14 bishan ka dhacaya magaalada Denhaag. Waxaase warar kasoo baxay shirkaasi shalay ka dhacay magaalada Schiedam sheegayaan in dib arrintaasi looga balamay sidii loo soo magacaabi lahaa.
Xisbiga TAYO waxaa hoggaanka u haya Drs, Maryan Qaasim oo ah Guddoomiyaha Xisbiga iyo Maxamed Abdilaahi Farmaajo oo isagana loo doortay inuu noqdo Xoghayaha guud ee Xisbigaasi,iyaddoo dalalka Yurub iyo America uu xisbigan ku yeeshay faracyo leh maamuladooda u gaarka ah balse hoosyimaada maamulka guud ee Xisbiga.
Ugu danbeyntii Abdirisaaq Ugaas waxaa uu sheegay inuu shirkooda midkan xiga uu dhici doono mudo laba todobaad kadib ah kaasi oo lagu soo xulan doono dhamaan xubnaha maamulka Xisbiga TAYO Holland.
Cali Dahir Ciid.
Delft,Holland
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer


















