Seattle:(SIC)-Caawo Casho Sharaf lo sameyay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Tayo Party Magalada Seattle ee Wadanka Mareykanka Daawo.Raysulwasarihii Hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabulaahi Farmaajo oo Kulan iyo Casho Sharaf Soo Dhaweyn ah La Yeeshay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Seattle,Washington
Kulan Balaaran oo isugu jiray casho sharaf iyo soo dhaweyn ayuu caawo oo ay taariikhdu tahay 4/27/2012 caasimada Seattle ee gobalka Washington ee dalka Mareykanka kula yeeshay Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ah Xoghayaha guud ee ururka TAYO Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobalka Washington.
Kulankaan Casho Sharafka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay siweyna looga soo qaybgalay ayaa waxaa lagu soo dhaweynayay mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo habeen danbe kumanaan kun oo qof oo Soomaaliyeed kula hadli doono Magaalada Seattle ee gobalka Washington ee dalka Mareykanka.
Ugu horayntii waxaa ayaado quraan ah kulanka ku furay Ibraahim Yare oo ah wiil aad u da`yar oo xaafidul Quraan ah oo ruxay quluubta dadkii kulanka kasoo qaybgalay ilaa markii danbe ay takbiirta isqabsatay.
Maxamed Sh.Xassan oo ah gudoomiyaha xarunta adeega bulshada ee Afreque Service Center,ahna maamulaha xarunta ugu weyn Ahlusunnaha Washington ayaa khudbad aad u qiimo badan kulanka ka jeediyay,isagoo qeexay awooda ay Soomaalidda Mareykanka u leedahay inay Siyaasada Soomaaliya wax weyn ka badalaan.Wuxuu tusaale u soo qaatay haddii ay Soomaalidda Gobalka Washington isku duubnaan lahayeen in codka Soomalidda oo midaysan gorgortan siyaasadeed lala gali lahaa dhamaan siyaasiyiinta codka doonayo ee raba inay ka mid noqdaan aqalada kala duwan ee dalka Mareykan ka looga taliya oo la ogyahay siyaayasada Mareykanka ee arrimaha dibada inay saameyn weyn ku leedahay waxa ka dhacaya geeska Afrika.
Dr.Cabdullahi Cosoble Siyaad oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii dhexe ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu muuqdo ifaaflo dowladnimo iyo rajo ah in Soomaaliya lasoo noqon doonto qarannimadeedii.Waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Farmaajo markii iigu horaysay waxaan ku kulanay Dubia,ka horna dadkii aan Muqdisho kala hadlay iyo dad badan oo Soomaaliyeed oo aan wareystay,waxay isku raaceen inuu yahay shaqsi daacad ah,wadani ah,dadkiina tusay inuu diyaar u yahay inuu gacanweyn ka gaysto sidii Soomaaliya Qarannimadeedii ula soo noqon lahayd”Wuxuu intaasi raaciyay in shaqsiyaadka farmaajo oo kale ah inay mudan yihiin in Soomaalidda taageero buuxdo siiyaan maadaama uu yahay qof Soomaliddu hadad wada taqaan lana ogyahay inuu isbadal keeni karo.
Waxaa isna Microphone ka gabgabadii lagu soo dhaweeyay xoghayaha guud ee xisbiga TAYO oo dhamaan kaqaybgalayaashii kulanka ay aad u danaynayeen inay maqlaan codkiisa.Wuxuu mudane Farmaajo ugu horayntii u mahadceliyay Jaaliayada Soomaaliyeed ee Seattle iyo dhamaan guddigii martiqaaday isaga iyo Xisbigiisa TAYO inay yimaadeen Seattle lana hadlaan dadka Soomaaliyeed.Mudane farmaajo oo habeen danbe dadka Soomaaliyeed ee Seattle la hadli doono ayaa kaqaybgalayaashii kulanka iyo guud ahaana dadka Soomaaliyeed inay midoobaan lana dagaalamaan qaybyaalada.Wuxuu balanqaaday inuu habeen danbe si qoto dheer uga hadli doono arrimaha murugsan ee Soomaaliya iyo sida ay u arkaan in looga bixi karo.
Inkastoo dadkii kulanka ka hadlay aan halkaan lagu soo koobi Karin;hadana dhamantood waxay tageero u muujinayeen Mudane Farmaajo iyo Xisbiga TAYO.
Sikasta ha ahatee kulanku wuxuu ku soo gagaboobay jawi aad u wanaagsan
Cabdirisaaq Cali Carabeey(Jeesteeye)
Seattle,Washington.
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer























