Gaal-kacyo:(SIC)-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday hoolka shirar isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka kan degmada gaalkacyo ,marti sharaf kala duwan iyo bahda caafimaadka gobolka Mudug.
Mursal Daab-jeerin oo ka mid ah madaxda ugu saraysa jaamacada Puntland University of Sceince and Technology ( PUST) ayaa ugu horaytii ka hadlay munaasabada waxaana uu u mahd celiyay bahda caafikmaadka gobolka Mudug sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyaan horumarka caafimaadka gobolka Mudug.
Duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi faaraxa ayaa si rasmi ah u daah furay munaasabadan waxaana uu si qoto dheer leh uga hadlay taariikhda waxbarsho ee gobolka Mudug iyo halganka ay ku jiraan ardayda wax ka barata gobolka Mudug.
Duqa Gaalkacyo ayaa sidoo kale uga mahadceliyay maamulka isbitaalka gobolka Mudug sida wanaagsan oo ay ugu sharfeen jaamacada PUST in ay u soo wareejiso kul;iyadeeda caafimaadka dhisme ku yaala isbitaalka oo ku haboon in lagu barto caafimaadka.
Agaasimaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug Dr Maxamed Xuseen Sardheeye ayaa isna ka hadlay munaasaaban waxaana uu uga mahadceliyay maamulka jaamacada PUST sida wanaagsan oo ay u ajiiben in ardayda dhigata kuliyada caafimaadka ay wax ku bartaan isbitaalka dhexdiisa .
Agaasimaha ayaa dhanka kale ka hadlay heerka uu marayo caafimaadka gobolka Mudug iyo dadaalka ay wadaan dhamaan ardayda dhigata jaamacadaha gobolka Ku yaala.
Maamulaha Jaamacada Puntland University of Science and Technology (PUST) Prof, Maxamed Aadan Faarax Caweysey ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in kuliyadii caafimaadka ee jaamacada Pust loo soo wareejiyay dhismaha uu ku deeqay isbitaalka guud ee gobolka Mudug ,wuxuuna tilmaamay in arrintaan ay uga gol leeyihiin si ay kulyadan uga soo baxaan arday tayo ahaan aad u dhisan oo isbitaalkana ka hesha kaalmadii dhinaca Practical-ka ahayd ee Caafimaadka la xiriiray.
Dhamaan marti sharaftii yo masuuliyiinta kale ee ka hadshay kulankan ayaa soo dhaweeyay tilaabadsan ay horay u qaaday jaamacada PUST iyagoona ku tilmaamay in ay wax weyn ka badali doonto baahidii ay qabeen ardayda dhigata kuliyada caafimaadka ee jaamacada Puntland University of Science and Technology (PUST) .
Ugu Danbaytii waxaa xafladan soo xiray gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Jaamac Yussuf oo ugu hanbalyeeyay isbitaalka gobolka Mudug tilaabada horumarka leh iyo dadaalka ay ugu jiraan in gobolka Mudug uu helo dhakhaatiir tayo leh oo u shaqaysa bulshadooda.
Wakiilka Somaliinfo.com -Puntland
Sakariye Phantastic
E-mail:-zekeriye004@gmail.com
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer
























