Waraysi: Dr. Amed Farah Du,alle
Waraysiga: Madaxweynaha Jubbaland State of Somalia oo ay waraysatay shabakadda Saadaalnews.com waxaan dib u habayn ku sameeyay Somaliinfo ( Daawo )
Taageerada Wasiir kuxigeenka W/F
Kulan lagu taageeray wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta iyo Boostada Cabdi-shakuur Cali Mire oo ay ka qayb galeen wariye yaasha gobolka Banaadir
Shariif Xasan Dhacdo Rasmi ah !!
shariif xasan oo u dhaartay wasiir xoosh iskuna haystay 8 xubnood baarlamaan ah daawo Vediogan)
Booqo boggan waa kuu muhiim !!
Shirkii Garowe oo lagu hishiiyay !!
Shirkii Wadatashiga Soomaalida ee ka socday Garowe oo soo af-meermay, Maxaase lagu hishiiyay(+Sawirro)
Daawo Muuqaalka Caabud-waaq
Vedeogan waxaan ka soo diyaarinay muuqaalka guud ee caabud-waaq , waxaan filyaa in aad ka boggan doontaan muuqaal keeda Daasho wacan)
R/W Gaas iyo M/weynaha DS-Ethopia
R/W Gaas oo la kulmay Madaxweynaha Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethopia iyo Madax kale(+Sawirro)
Dhagayso Muxaadarooyinka
Qudbad ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo Sheekh Maxamed Idiris Daawasho wacan)
Starsom Traveling Agency
Waxay kuu jaraysaa tigidho diyaaradeed oo caalamka meeshii aad ka doonto(Riix Halkan)
Finland Channel-tv Links

Hargeysa:(SIC)-In ka badan 60 Xubnood oo  isugu jira Salaadiin, boqoro iyo cuqaal ka soo jeeda beelaha Subeer Awal ayaa isugu yimid shalay Kulan ballaadhan oo qado iyo is barasho, kulankaas oo ka qabsoomay Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa.

Kulankan ay Madaxdhaqmeedyadaasi iskugu yimaadeen oo ay soo qaban qaabiyeen salaadiinta iyo madax dhaqameedka beesha Sacad Muuse ayaa ahaa mid ujeedadiisu ahayd is barasho dhex marta guud ahaan madaxdhaqameedka beelaha Subeer Awal oo isaga kala yimid gobolada Togdheer, Saaxil iyo gobolkan Maroodi Jeex, iyada oo ay kulankaasi ka hadleen salaadiin, Cuqaal iyo boqoro kala duwan oo dhammaantood Sheegay baahida loo qabo in la mideeyo cududa dhaqan ee beesha iyo sidii loo xoojin lahaa natiijada kulamadii dhawaanahan u socday madaxdhaqameedka beelaha Subeer Awal si loo helo hannaan Madax dhaqmeed oo isku duuban kana hawl gala ujeedada ay u idman yihiin oo ah sidii ay beesha ugu hogaamin lahaayeen hab maamuuska milgaha leh ee lagu doortay oo ah in ay samaha ka taliyaan xumahana, iska gargaarsadaan sidii ummadda ay matalaan iyo guud ahaan beelaha kale ee reer Somaliland loola shaqayn lahaa.

Kulankaas oo ahaa mid aad u ballaadhan markii ay madax dhaqameedku ka soo jeedsadeen hadhimo sharafeedii Crown lagu asteeyey waxaana ugu horayn makarafoonka qaatay mid ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulankan waxaanu mid mid u hormeeyey madax dhaqameedkii madasha ka hadli lahaa, iyada oo ugu horrayn hadalka furitaanka lagu soo dhaweeyey ku xigeenka Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo mahad naq ballaadhan u soo jeediyay madax dhaqameedka beelaha Subeer Awal.

Suldaanku waxa uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in danaha reerka guud ahaan loo midoobo oo laga shaqeeyo sidii wax qabad dhaqan oo rasmi ah loo gudan lahaa iyada oo laga digtoonaanayo dan shakhsi, mid siyaasadeed iyo mid gaar ahaaneed toona.

Suldaanku waxa uu u mahad naqay cid kasta oo iska xil saartay abaabulkan iyo wada jirka madax dhaqameedka beeshu muujiyay, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu Suldaan Cismaan yidhi  “Waxa sharaf naga mudan guud ahaan madax dhaqameedka Subeer Awal ee isaga kala yimid daafaha deegaanada beeshu degto. Walaalayaal waxaan u taaganahay in aan wanaaga ka shaqayno, nabad gelyada ka shaqayno, nidaamka iyo danta caamka ah meel uga soo wada jeedsano”.

Intaa ka dib waxa hadalka qaatay Suldaan Axmed Nuur Samaale oo ku dheeraaday sida ay madax dhaqameedka beesha Subeer Awal uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan isku xidhka iyo u midawga danta beesha gaar ahaan iyo guud ahaan sidii ay beelaha kale ee reer Somaliland ugala shaqayn lahaayeen nabad gelyada iyo wax kasta oo ay ku jirto danta dalka iyo dadku. Suldaan Samaale waxa uu si adag u sheegay in aanay dhici Karin nin magac madax dhaqameed sita oo Xamar kaga qayb gali kara shirka halkaasi ka socda iyada oo aan marnaba beelaha Subeer Awal ku dhaqaaqi Karin wax lid ku ah jiritaanka Somaliland ee aynu ku soo caano maalay ee aynu 21-ka sano soo dhisaynay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Suldaan Samaale “Xoogii iyo cadadkii madax dhaqameedka Subeer Awal waaka halkan fadhiya, waxaan idiin sheegayaa in aan si hagar la’aan ah marka hore ugu mahad naqo walaalaha beesha Subeer Awal ee ka yimid ilaa Togdheer iyo Saaxil. Sharaf ayay naga mudan yihiin. Fadhiga noocan oo kale ahi waxa uu muujinayaa tawfiiq iyo walaalnimo lagu midaysnaanayo si aynu ugu guntanno gudashada shaqada aynu u xil saaranahay”.

Suldaan Axmed Nuur waxa uu hoosta ka xarriiqay in hadhimo sharafeeddaas ay soo abaabuleen madax dhaqameedka Beelaha Sacad Muuse oo walaalahooda kale u uujinaya in loo baahan yahay isdhex gal, wada shaqayn iyo ka midho dhalinta dadaaladii la ameeyey ee madax dhaqameedka beeshu go’aamada iyo xeerarka ku dhigteen.

Intaa k adib waxa isna madasha hadalo kooban oo guubaabo iyo dardaaran ah ka jeediyay Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo xusay in sagaal iyo sagaashan madax dhaqameedkii Subeer Awal madasha fadhiyaan loona baahan yahay in ay ka midho dhaliyaan shaqada ay u hayaan beesha ee dhaqan. Suldaanka oo  arrimahan ka hadlaya waxa hadaladiisa ka mid ahaa: “Walaalayaal Inkasta oo Suldaankii Guud ee beeshu inaga habsaamay hadana waxaan leeyahay ninbaa  laga hayay hadii aad sagaal iyo sagaashan tihiin anna boqolbaan idinku ahay. Sidaa darteed waxaan leeyahay Suldaankuna waa inagu boqole aynu u guntanno sidii aynu umadeena iyo dalkeena ugu shaqayn lahayn. Arrinta Xamar waxaan qabaa in aanay macquul ahayn in qof damiir lihi halkaasi u hanqal taagi karo sidaa darteed 21 sanadood ayaynu tan dhisaynay ee maxaa Xamar yaalla”.

Boqor Xasan Maxamed Ciid oo isna ka mid ahaa madax dhaqameedka madashan ka hadalay ayaa saguna si waafi ah ugu dhaadhacay ujeedada dhabta ah ee kulamada noocan oo kale ah ka dambaysa waxaanu xusay in Subeer Awal maanta mid yahay, lana doonayo in madax dhaqameedku hantaan doorkii ay umadooda ku lahaayeen, iyaga oo wax kasta ka hor marinaya danta caamka ah ee beesha iyo tan guud ee dalkaba. Madax dhaqameedkii kale ee madashan hadalada ka soo jeediyay waxa ka mid ahaa Caaqil Cabdi Ciidle Ammaan iyo Chief Caaqil Ismaaciil Muxumed oo dhammaantood iska daba maray sida ay ugu faraxsan yihiin kulan nocan oo kale ah, madax dhaqameedka beesha Subeer Awal-na u baahnayd iyada oo la xurmayn doono natiijooyinka kulamadii iyo dhismaha xeerarkii madax-dhaqameedku dhigtaan iyada oo dhinac looga soo wada jeedsan doono danaha reerka, cidda kali ah ee magaca beesha ku hadli  kartaana tahay salaadiinta beesha. Dhinaca kale waxa ay madax dhaqameedka shirkan isugu yimid iska daba mareen in aanay madax dhaqameedka beesha Subeer Awal wax siyaasad ah faraha la gali Karin iyada oo dhammaan xisbiyada iyo ururada siyaasaddu u siman yihiin qof kasta oo siyaasi ahna ku ixtiraami doonaan doorkiisa.

 Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

Leave a Reply

Radio Somali-Info Axadkasta 12-13

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Baro Luuqada Finnishka!!!
Adan Abdi- Gud. Ururka Gannaane
Guddoomiyaha ururka Gannaane-ry Adan Abdi Kharash oo waraysi siiyay Somalichannel-tv isagoo ka war bixinaya waxqabdka ururka (Daawo)
Waraysi Dr.Said Karshe Helsinki
Waraysi: aanu la yeelanay Dr.Siciid Kaarshe oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaalida Helsinki-Finland ee Daawasho Wacan
Saleebaan Xagel-toosiye iyo Helsinki
Wafdi xeer caalami ah oo u hogaaminayo Wasiirka dibu-dejinta Somaliland Saleebaan Xagele-toosiye oo xaflad soo dhawayn ah u sameeyeen Jaaliyadda Somaliland ee Helsinki(Daawo)
Wasiirada Finland iyo Muqdisho !!
Wafdi Heer Waasiira ah oo ka Socda Finland Oo gaaray Muqdisho 1.4.2013(Sawirro)
Tacasi: Sheekh Cabdiqadir Gacmeey !!
Jaaliyadda Filand kana soo jeeda Puntland oo tacsi hawada umarinaya Sheekh Cabdiqaadir Faarax ( Gacmeey) Illaahay ha unaxariisto:
Aroos: Xassan iyo Faadumo
Hambalyo Meherka iyo Arooska Xasan Cabdi Kharash iyo Fadumo Cali  Gurxan oo uu March 2, 2013 Arooskoodu ka dhacay magaalada Joensuu ee wadanka Findland.
Ray Waa Caawiyaha Ururada Bulshada
Ray-Tukee waa urur caawiye ururada wax-qabadka la yimaada (Riix-Halkan)
Dalbo Mashruuca Luuqadaha !!
Dalabka Mashruuc Dhaqaale oo Lagu horumarinayo Luuqado Badan Iyo Farshaxanka (RIIX-HALKAN)
IOM How-shaqo ka wada Samaliya
Hay,adda IMO Iyo Wasaaradda Arrimiha Dibadda Ee Finland Oo Howlo Shaqo Ka Fuliyay Wadanka Soomaaliya.
Kanva oo koox siisay Qalab Spotrs
Ururka Kanava xaruntiisa Muqdisho oo kooxo Sports ah guddoon siisay Qalab Isboorti .
Fasiirka Jabuuti u fadhiya Finland
Safiirka u fadhiya Jabuuti dalka Ruusha iyo Finland oo booqosho ku yimid Helsinki Asagoo la kulmay madaxda dalka Finland
Xaflad LaguTaageeray Jubbaland
Xafladda Taageeradda Maamul Usamaynta Jubbaland ee Jaaliyadda Finland Oo lagu qabtay Magaaladda Helsinki( Daawo)
Taageerada Madaxweyne Xasan Skeekh
Jaaliyadda Soomaalida Finland oo Xaflad Taageera ah u samaysay Madaxweyne Xassan Sheekh( Daawo)
Xariif-Shop Helsinki-Finland
Dukaanka Xariif-Shop Waxa ku yaala Xaafadda Sornainen Ciwaanka Hameentie 36 Helsinki Waxaad u soo raaci kartaa, Daraamka 7B iyo 6 Hadaba hamoogaan Dukaanka Xariif .Shop oo diyaar kuula ah adeeg hufan iyo soo dhawayn ( Daawo)