New Delhi:(SIC)-Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed iyo Waftiga uu hogaaminayo oo kulamo kala duwan la qaatay Madax ka tirsan Dowlada Hindiya, kulamadaasoo looga hadlayay dhinaca Ganacsiga iyo horumarinta, dhinaca kale Waftiga Madaxweynuhu waxay la kulmeed Ardeyda Soomaaliyeed ee Hindiya wax ku barata.
Madaxweyne Faroole iyo waftiga uu hogaaminayo oo uu kamid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Cabdullahi Axmed Jamac Ilka Jiir ayaa maalmaahan joogay Caasimada Hindiya ka dib markii ay casumaad rasmi ah ka heleen Dowlada Hindiya, safarka ayaa ujeedadiisu tahay dhinaca Ganacsiga iyo horumarka.
Inkastoo aan wali si cad loo shaacin wadahadalada dhexmaray Hindiya iyo Puntland hadana warar hordhac ah oo Puntlandi.com heleen ayaa sheegaya in ay labada dhinac ka wadahadleen Ganacsiga iyo mashaariic ay Dowlada Puntland doonayso in ay fuliyaan shirkado Hindiya, waxaa kaloo laga wada hadlay ladagaalanka Burcad Badeedka.
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer




















