Hargeysa:(SIC)-Guddi ka kooban madaxdhaqameedka beelaha Subeer Awa loo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee beelahaas Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan, ayaa xalay go’aan ka soo saaray khilaaf in muddo ah ka taagnaa dhismaha warshadda sibidhka ee la doonayo in laga hirgeliyo Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kuwaas oo sheegay inay xal waara oo labada dhinacba ku qanacsan yihiin ay ka so saareen Khilaafkaas.
Warsaxaafadeed
ay ku saxeexan yihiin 17 suldaan oo uu hormuud u yahay suldaanka guud ee
beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo
xalay warbaahinta ka soo gaadhsiiyey ayaa lagu sheegay in shirar iyo kulamo
is-daba joog ahaa oo socday muddo saddex bilood ah oo lagu dhexdhexaadinayey
labada dhinac ee ku lugta lahaa khilaafka warshada sibidhka Berbera oo kala ah;
Berbera Cement Company iyo Saaxil Cement Factory si rasmi ah go’aan looga
gaadhay.
War-murtiyeedkaas
oo lagu faahfaahiyey heerarkii dhexdhexaadintu soo martay iyo go’aanka laga soo
saaray khilaafka dhismaha warshadda Sibidhka Berbera, waxa isagoo dhammaystiran
uu u qornaa sidan;
“Saddexdii
bilood ee u dambeeyey Salaadiinta beesha Subeer Awal waxay yeesheen kulamo iyo
shirar is-joog ah oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa muranka daba
dheeraaday ee ka taagnaa dhismaha warshadda Sibidhka ee Berbera. Shirarkaas oo
uu guddoominayey Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awdal.
Salaadiintu
iyaga oo ka duulaya in warshad Sibidh laga hirgeliyo Berbera waxay ka
hawlgaleen in la isku soo jiido labada dhinac, lana mideeyo muruqa, maalka iyo
maskaxda, waxay ku dhaqaaqeen tallaabooyinka hoos ku qoran;
v
Waxay kalsooni waydiiyeen labada dhinac ee khilaafku ku dhexjiray ee ah Berbera
Cement Company iyo Saaxil Cement Factory, iyagoo labada dhinacba siiyeen
kalsooni, isla markaana caddeeyeen inay aqbalayaan go’aanka Suldaanka Guud ee
Beesha Subeer Awal iyo Guddi uu Guddoominayo ay soo gaadhaan.
v
Salaadiintu waxay ku wargeliyeen dawladda Somaliland inay dhexdhexaadintaas
gelayaan, kalsoonidana haystaan, taas oo dawladduna ku dhiirigelisay inay
xal-u-raadiyaan khilaafka warshadda Sibidhka.
v
Salaadiintu iyagoo xog urursanaya waxay kulamo gooni gooni ah la yeesheen
waxgaradka, aqoonyahanka iyo ganacsatada Somaliland oo ay ka mid yihiin guddiyo
hore isugu xilqaamay inay khilaafkaas xal ka gaadhaan.
v
Salaadiintu waxa kale oo ay la kulmeen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyey,
iyagoo si gaargaar ah ula kulmay ganacsatada labada dhinac ka kala socda
(Berbera Cement Company iyo Saaxil Cement Factory)
v
Salaadiintu waxay labada dhinac u soo jeediyeen in muruqa, maalka iyo maskadaba
meel la isugu geeyo, lana dhiso warshad keliya oo cusub oo weyn oo casri ah,
taas oo sida wax loo wada yeelanayana ay salaadiintu u soo bandhigeen labada
dhinacba.
v
Nasiib-darro waxa genafka ku dhuftay go’aanka salaadiinta, isla markaana si cad
u diiday dhinaca Berbera Cement Company, halka dhinaca Saaxil Cement Factory ay
soo dhaweeyeen isla markaana ay aqbaleen go’aanka Salaadiinta.
v
Salaadiinta Beesha Subeer Awdal markay u caddaatay in warshadda Sibidhka ee
Saaxil Cement Factory ay ka mid yihiin qaar badan oo ka mid ah ganacsatada
waaweyn ee reer Somaliland.
v
Salaadiintu iyaga oo ka duulaya mabaadi’da wadahadal, wax-wada qabsi iyo
iskaashiga ay ku soo caano-maashay bulshada reer Somaliland.
v
Iyagoo tixgelinaya waajibaadka iyo masuuliyadda waddanimo ee faraysa in
dhaqaalaha dalka iyo khayraadkiisaba laga wada qaybqaato, lagana ilaaliyo wax
kasta oo dhabar-jebin ku ah horumarka dhaqaale ee Somaliland.
v
Iyagoo tixgelinaya baahida waddanka iyo gaar ahaan ta magaalada Berbera u qabto
mashaariicda noocan oo kale.
v
Iyagoo maskaxda ku haya shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta iyo sida
mashruucan oo kale wax weyn uga tarayo shaqo la’aanta ka taagan dalkeena iyo ta
degaanka Berberaba.
v
Iyada oo la baajinayo lacagta adag ee inagaga baxda Sibidhka dibadda laga keeno
oo shacabka ku joogga qiimo qaali ah
Salaadiintu
waxay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran;
1.
Waxaannu u soo jeedinaynaa xukuumadda Somaliland in sida ugu dhakhsaha badan
ugu fududayso hirgelinta dhismaha warshadda cusub ee sibidhka ee shirkadda
Saaxil Cement Factory ay doonayso inay ka hirgeliso deegaanka Gobolka Saaxil.
2.
Waxa kale oo aannu xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa inay shirkadda
Berbera Cement Company ay xor yihiin inay dhisan karaan warshadoodii sibidhka,
isla markaana ay dawladdu u fududayso wixii hawl ah ee kaga xidhan
3.
Waxa kale oo u bannaan labada shirkadood inay midoobi karaan haddii ay dan u
arkaan
4.
Waxaannu shacabka reer Somaliland gaar ahaan shacabka Gobolka Saaxil u soo
jeedinaynaa, kuna baraarujinaynaa inay soo dhaweeyaan cid kasta oo maalgaashi
ku samaynaysa dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Gobolka Saaxil, isna
garab-taagaan.
5.
Waxa kale oo aannu u soo jeedinaynaa ganacsatada iyo muwaadiniinta
Jamhuuriyadda Somaliland ee gudo iyo dibadba ee danaynaya maalgashiga warshadda
Sibidhka inay wax la qabsadaan labada shirkadood hadba kii ay door bidaan ama
dantooda u arkaan.
Magacyada
Salaadiinta Subeer Awal ee go’aankan saxeexay;
1.
Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan
Cabdiraxmaan
2.
Suldaan Cismaan Suldaan Kooshin oo ah suldaanka guud ee beesha Ciise Muuse.
3.
Suldaan Axmed Nuur Cabdillaahi Samaale.
4.
Boqor Xasan Maxamed Siciid.
5.
Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur
6.
Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule
7.
Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
8.
Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim Aw Maxamed
9.
suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle
10.
Suldaan Maxamed Daahir Cilmi
11.
Suldaan Cali Saleebaan Maxamed
12.
Suldaan Xiis Bare Yuusuf
13.
Suldaan Mawliid Cali Ibraahim
14.
Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday
15.
Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin
16.
Ugaas Cabdillaahi Cabdi Xasan
17.
Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi Baxar
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer


















