Gedo:(SIC)-Maamulka degmada dolow somaliya ayaa kormeer maanta ku tagay isbital wayn oo ay hay ada WHO dhawan ka hergalisay degmada dolow somaliya.
Gudoomiyaha degmada dolow somaliya cabdirashiid jana ayaa maanta socdaal indho indhay ah waxaa uu ku tagay cisbital aya dhawaan hay ada WHO ka hergalisay degmada dolow somaliya ee gobolka gedo waxaana isbitalkani ka faaiidaysandoona dadka u baahida qabay daryeelka caafimaad gudoomiyha ayaa mid mid u galay qolalka uu ka kooban yahay isbitalka.
Dhaqaatiira ayaa sheegay in ay howshu u socoto si hamsami leh waxana uu uga mahadcelinyey sida wanaagsan ee ay bulshada bahideeda wax uga qabteen waxana uu ka codsaday dhamaan shacabka ku dhaqan degaanka in ay ka faaiidaystaan waxaana gudoomiyuhu sidoo kale uu ugu baqay hay adaha in ay sidan oo kale wax ugu qabtaan shacabka.
Isbitalkan ayaa ah mid ay ka howlgalayaan dhaqaatiir masaari ah oo musliin ah iyo kuwa somaliya waxaana dadka lagu samaynaayaa qaliilnada fudu iyo kuwa culus waxaana sidoo kale isbitalku u dhamaystiran dhamaan agabkii uu ku shaqayn laha .
Waa markii ugu horaysay oo isbital caynkan oo kale ah laga hergaliyo gobolka gedo gaar ahaana degmada dolow somaliya .
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer




















