Waraysi: Dr. Amed Farah Du,alle
Waraysiga: Madaxweynaha Jubbaland State of Somalia oo ay waraysatay shabakadda Saadaalnews.com waxaan dib u habayn ku sameeyay Somaliinfo ( Daawo )
Taageerada Wasiir kuxigeenka W/F
Kulan lagu taageeray wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta iyo Boostada Cabdi-shakuur Cali Mire oo ay ka qayb galeen wariye yaasha gobolka Banaadir
Shariif Xasan Dhacdo Rasmi ah !!
shariif xasan oo u dhaartay wasiir xoosh iskuna haystay 8 xubnood baarlamaan ah daawo Vediogan)
Booqo boggan waa kuu muhiim !!
Shirkii Garowe oo lagu hishiiyay !!
Shirkii Wadatashiga Soomaalida ee ka socday Garowe oo soo af-meermay, Maxaase lagu hishiiyay(+Sawirro)
Daawo Muuqaalka Caabud-waaq
Vedeogan waxaan ka soo diyaarinay muuqaalka guud ee caabud-waaq , waxaan filyaa in aad ka boggan doontaan muuqaal keeda Daasho wacan)
R/W Gaas iyo M/weynaha DS-Ethopia
R/W Gaas oo la kulmay Madaxweynaha Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethopia iyo Madax kale(+Sawirro)
Dhagayso Muxaadarooyinka
Qudbad ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo Sheekh Maxamed Idiris Daawasho wacan)
Starsom Traveling Agency
Waxay kuu jaraysaa tigidho diyaaradeed oo caalamka meeshii aad ka doonto(Riix Halkan)
Finland Channel-tv Links

Hargeysa:(SIC)-Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan sannad walba lagu qabto masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo gebagebeeyey Jimcihii abaalmarinno qaali ah oo la guddoonsiiyey dhallinyarada guulaysatay.

Tartankan oo ay soo qabanqaabiyaan guddi ka tirsan culimada waaweyn ee Somaliland oo muddadii bisha Ramadaan si xdhiidh ah u socday, isla markaana maalgelisay shirkadda Dahabshiil ilaa tobankii sanno ee u dambeeyey, waxa sannadkan ka qaybgalay 70 wiil oo ka kala socday gobollada Hargeysa, Sanaag, Saaxil, Sool, Togdheer, Gabiley iyo Gobolka Awdal, kuwaas oo 34 ka mid ah ku tartamayeen xifdiga soddonka jis iyo 36 ku tartamayey shan iyo tobanka jis ee Qur’aanka Kariimka ah, iyadoo dhinaca hablahana loo qabtay soddon gabdhood oo laga soo kala xushay madarasadaha iyo mac-hadyada caasimadda Hargeysa.

Tartanka Qur’aanka kariimka ah oo siddeeda wiil ee ugu sarreeyey oo ay ku jiraan laba wiil oo ku kala guulaystay kaalmaha kowaad ee soddonka jis iyo shan iyo tobanka jis waxa la guddoonsiiyey alaabmarinno qaali ah oo isugu jira lacag adag iyo alaabooyin kale, iyadoo uu wacdaro ka dhigay wiil da’diisu tahay 8 jir oo kaalinta afraad u galay tartankii soddonka jis, iyagoo culimadu tilmaameen in aanay weligood arag ilmo la mid ah oo qur’aanka sidiisa u xafiday.

Xaflad ballaadhan oo masaajidka Cali Mataan ee caasimadda Hargeysa loogu qabtay gunaanadkii tartankaas gelinkii dambe ee Jimcihii, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, maamulaha guud ee Dahabshiil oo ay wehelinayeen saraakiil ka kala tirsan shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL, culimaa’udiin badan iyo boqolaal dadweyne ah, iyadoo xafladdaasi si toos ah looga tabinayey telefishanka HCTV oo ay u fududaysay shirkadda SOMTEL.

Gunaanadkii munaasibaddaas waxa albaalmarinno muhiim ah lagu guddoonsiiyey shanta arday ee kaalmaha hore ka galay tartankii 30 jis ee xifdiga Qur’aanka iyo saddexda ugu sarreeyey tartankii 15-ka jis, kuwaas oo la siiyey abaalmarin lacageed oo u dhexaysa $250 ilaa $700 doollarka Maraykanka ah, alaabooyin kale iyo telefoonno ay ugu deeqday shirkadda SOMTEL, halka dhammaan 70ka arday ee tartankaas ka qaybgalayna la siiyey abaalmarinno lacag ku jirto.

Magacyada shanta arday ee kaalmaha u sarreeya ku guulaystay tartanka xifdiga Qur’aanka kariimka iyo abaalmarinta la siiyey waxay kala yihiin:

1. Waxa kaalinta kowaad ku guulaystay Khaalid Mustafe Aadan oo ka socday Gobolka Togdheer, waxaanna abaalmarin loo siiyey kitaab elektaroonik ah oo marka qallinka la saaro hadlaya oo ay ku jiraan soddonka jis ee Qur’aanka, kutubta axaadiista Bukhaari iyo Muslim iyo weliba qaamuus luqado kala duwan ah (waxa ku deeqay kitaabka muwaaddin magaciisa la yidhaa Xuseen Quulle), shahaado, telefoon moobil ah, rikoodh, saacad, cadar iyo lacag qaddarkeedu dhan yahay 700$ (toddoba boqol) oo doollar.

2- Kaalinta labaad waxa galay Sakariye Faysal Maxamed oo ka socday Gobolka Hargeysa, waxaannu ku guulaystay kitaab Qur’aan qoran ah, shahaado, moobil, rikoodh, saacad iyo lacag dhan $500 doollar.

3- Kaalinta saddexaad Mubaariga Khaliif Yuusuf oo ka socday Gobolka Hargeysa, waxaannu ku guulaystay kitaab Qur’aan ah, shahaado, moobile, rikoodh, saacad iyo lacag dhan $400.

4- Kaalinta afraadna Ibraahim Maxamuud Axmed – Gobolka Hargeysa, waxaannu hadyad ahaan u helay kitaab Qur’aan ah, shahaado, moobile, rikoodh, saacad iyo lacag dhan $350 doollar.

5- Waxa kaalinta shanaad galay Ridwaan Xuseen Caalin oo ka socday Gobolka Hargeysa, waxana la siiyey kitaab Qur’aan ah, shahaado, moobile, rikoodh, saacad iyo lacag dhan 300$

Sidoo kale, saddexda arday ee kaalmaha hore ka galay tartanka 15-ka jis waxay kala yihiin;

1- Shan iyo tobanka jis waxa kaalinta koowaad u galay Shaafici Jaamac Jibriil oo ka socday Gobolka Hargeysa, waxana hadyad ahaan loo siiyey kitaab Qur’aan ah, shahaado, moobile, rikoodh, saacad iyo lacag dhan $350 doollar.

2- Kaalinta labaad Cabdixakiin Axmed Saxardiid oo ka socday Gobolka Hargeysa, waxa la siiyey kitaab Qur’aan ah, shahaado, moobile, rikoodh, saacad iyo lacag dhan $300 dollar.

3- Kaalinta saddexaad waxa galay Cabdisalaam Axmed Cali oo ka socday Gobolka Gabiley, waxana la guddoonsiiyey kitaab quraan ah, shahaado, moobil, rikoodh, saacad iyo $250 doollar.

Imaamka Masaajidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mid ah guddiga culimada tartanka qabata oo ugu horreyn xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in 70 dhallinyarada ka qaybgalay tartanka xifdiga Qur’aanka kariimka ah ay ka soo dhex baxeen in ka badan boqol iyo kontan arday oo ku kala sugan gobollada dalka oo soo codsaday tartanka, kuwaas oo imtixaanno lagu kala reebay.

Waxa uu Sheekh Maxamed Aadan si weyn ugu mahad-celiyey shirkadda Dahabshiil oo uu ku ammaanay maalgelinta ay muddada dheer la garab-taagnayd tartankan.

Sidoo kale, Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaciil Dheeg) oo ka mid ah guddida qabanqaabada tartankaas, ayaa isaguna ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu tartanku soo maray muddo labaatan sanno gaadhaysa oo la qabanayey, isagoo sheegay inuu soo maray saddex marxalood oo kala ahaa xilligii bilowga oo ahayd sannadihii 1992-1994, xilligii soo shaac-baxa oo ku beegnayd sannadihii 1995 – 1999 iyo heerka saddexaad oo ah xilliga horumarka uu gaadhay xifdiga Qur’aanka kariimka ah oo weli lagu jiro.

“Waxaannu u mahadnaqaynaa shirkadda Dahabshiil ee dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey maalgelinaysay tartankan, waxaanuna Alle ka baryeynaa inuu maalkooda u xifdiyo. Waxa kale oo aannu u mahadnaqaynaa guddigii culimada garsoorka ah iyo weliba bahda warbaahinta,” ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil.

Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Somaliland, ayaa isaguna munaasibaddaas ka jeediyey khudbad ballaadhan oo ka warramaysa fadliga kitaabka Qur’aanka ah leeyahay ee ay helayso cid kasta oo akhrida, kuna camal-fasha, “Kuwaas oo ka mid yihiin; inuu ehelkiisa u shafeeco qaadi doono maalinta Qiyaamaha, in ummadda kitaabka Qur’aanka waynaysa uu Ilaahay kor u qaado, kuwa hoos u dhigana uu dulleeyo, in Nebigu (NNKHA) uu sheegay in dadka uu u khayr badan yahay qofka Qur’aaka barta ee dadkana baraa, in Ilaahay naxariis ku soo dejiyo goobta amma meesha lagu akhriyayo Qur’aanka,” ayuu yidhi.

Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo xafladdaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tartanka Qur’aanka kariimka ah oo uu sheegay inuu yahay mid xalaal ah oo dhiirrigelinaya dhallinyarada, isla markaana ku faraxsan yihiin shirkad ahaan inay kaalintooda ka qaataan tartanka iyo wax kasta oo dadka iyo dalkaba dan u ah,

“Runtii tartanka Qur’aanka iyo tartan kaloo kastaaba wuxuu qofka baraa inuu hiigsado meel kale oo ka sii fog halkuu joogo ama qof ka sarreeya oo uu doonayo inuu gaadho, markaa tartanka xalaasha ah sida kaa Qur’aanku waa mid cid walba guul u ah if iyo aakhiraba, xagga ganacsiga iyo xag walba in qofku haddii uu si xalaal ah u tartamo oo uu walaalkiisa la tartamaya ilaaliyo oo uu wanaag kula tartamo, iyadoo mararka qaarkood aad meelahaas arkayso cay iyo wax xaasidnimo ku jirto, laakiin haddii sidaa xalaasha ah nolosha oo dhan loogu tartamo waxaan qabaa in if iyo aakhiraba lagu liibaanayo,” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid.

“Annagu shirkad ahaan mar walba wixii horumarkeenna dhisaya ama diinteenna, dhaqankeenna iyo dhaqaalena sii horumarinaya waxaannu diyaar u nahay in aannu ka qaybqaadano,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Maamulaha Guud ee Dahabshiil.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo soo gunaanaday khudbadaha xafladda laga jeediyey, ayaa u mahadnaqay guddiga culimada ee tartanka qabatay, shirkadda Dahabshiil, ardayda ka qaybgalay iyo cid kastoo ka gacan gaysatay

 

Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

 

 

 

Leave a Reply

Radio Somali-Info Axadkasta 12-13

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Baro Luuqada Finnishka!!!
Adan Abdi- Gud. Ururka Gannaane
Guddoomiyaha ururka Gannaane-ry Adan Abdi Kharash oo waraysi siiyay Somalichannel-tv isagoo ka war bixinaya waxqabdka ururka (Daawo)
Waraysi Dr.Said Karshe Helsinki
Waraysi: aanu la yeelanay Dr.Siciid Kaarshe oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaalida Helsinki-Finland ee Daawasho Wacan
Saleebaan Xagel-toosiye iyo Helsinki
Wafdi xeer caalami ah oo u hogaaminayo Wasiirka dibu-dejinta Somaliland Saleebaan Xagele-toosiye oo xaflad soo dhawayn ah u sameeyeen Jaaliyadda Somaliland ee Helsinki(Daawo)
Wasiirada Finland iyo Muqdisho !!
Wafdi Heer Waasiira ah oo ka Socda Finland Oo gaaray Muqdisho 1.4.2013(Sawirro)
Tacasi: Sheekh Cabdiqadir Gacmeey !!
Jaaliyadda Filand kana soo jeeda Puntland oo tacsi hawada umarinaya Sheekh Cabdiqaadir Faarax ( Gacmeey) Illaahay ha unaxariisto:
Aroos: Xassan iyo Faadumo
Hambalyo Meherka iyo Arooska Xasan Cabdi Kharash iyo Fadumo Cali  Gurxan oo uu March 2, 2013 Arooskoodu ka dhacay magaalada Joensuu ee wadanka Findland.
Ray Waa Caawiyaha Ururada Bulshada
Ray-Tukee waa urur caawiye ururada wax-qabadka la yimaada (Riix-Halkan)
Dalbo Mashruuca Luuqadaha !!
Dalabka Mashruuc Dhaqaale oo Lagu horumarinayo Luuqado Badan Iyo Farshaxanka (RIIX-HALKAN)
IOM How-shaqo ka wada Samaliya
Hay,adda IMO Iyo Wasaaradda Arrimiha Dibadda Ee Finland Oo Howlo Shaqo Ka Fuliyay Wadanka Soomaaliya.
Kanva oo koox siisay Qalab Spotrs
Ururka Kanava xaruntiisa Muqdisho oo kooxo Sports ah guddoon siisay Qalab Isboorti .
Fasiirka Jabuuti u fadhiya Finland
Safiirka u fadhiya Jabuuti dalka Ruusha iyo Finland oo booqosho ku yimid Helsinki Asagoo la kulmay madaxda dalka Finland
Xaflad LaguTaageeray Jubbaland
Xafladda Taageeradda Maamul Usamaynta Jubbaland ee Jaaliyadda Finland Oo lagu qabtay Magaaladda Helsinki( Daawo)
Taageerada Madaxweyne Xasan Skeekh
Jaaliyadda Soomaalida Finland oo Xaflad Taageera ah u samaysay Madaxweyne Xassan Sheekh( Daawo)
Xariif-Shop Helsinki-Finland
Dukaanka Xariif-Shop Waxa ku yaala Xaafadda Sornainen Ciwaanka Hameentie 36 Helsinki Waxaad u soo raaci kartaa, Daraamka 7B iyo 6 Hadaba hamoogaan Dukaanka Xariif .Shop oo diyaar kuula ah adeeg hufan iyo soo dhawayn ( Daawo)