Muqdisho:(SIC)-Garaad Jaamac oo ah Gudoomiyaha Guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada baarlamanka cusub ee Somalia, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar iyo liis xildhibaano ah oo saacadihii la soo dhaafay ay qorayeen warbaahinta.
Garaad Jaamacayaa sheegay in aysan jirin magacayada 202 xildhibaan oo xalay saxaafada ay baahiyeen. Waxa uuna digniin u diray saxaafada.
waxaan leeyahay saxaafada bulshada ayaa Mas’uul ka tihiin sheega runta, Maxaa yeelay waxaad sheegaysaan dadka ayaa qaata, waxan si gaar ah ula hadlayaa saxaafada gaar ahaan websiteyada Soomaalida, waxaan leeyahay adeeryaal Runta sheega oo qora”ayuu yiri Garaad Jaamac.
Guddiga soo Xulista baarlamaanka ayaa gaashaanka u daruuray in liiskaas waxayna sheegeen in uu yahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Sidoo kale Qaar ka mid ah boggaga internetka Soomaalida ayaan waxaa xalay lagu faafiyey liis ay ku qornaayeen 202 mudane oo ka mid ah xildhibaanada cusub, kaasoo ay ka dhex muuqdeen shaqsiyaad kala duwan oo ay ka mid yihiin Raisul wasaare Gaas.
Arintan ayaa ku soo aadysa Xili Madaxdii dowlada ay sii kala fogaanayso, haatana uu ka socdo Xarunta Madaxtooyada shir arintaan looga hadlayo.
Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer


















