10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay u kala qeybsadeen beelaha (Yaa u badan?)

0
453

Muqdisho (Caasimadda Online) – Intiinii la socotay waxaan dhawaan idiin soo gudbinay qeybta koowaad warbixino musalsal ah oo aan uga hadli doono sida ay Beelaha Soomaaliyeed u qeybsadeen xilalka Ururka Al-Shabaab kuwooda ugu sareeyo, kowooda dhexe iyo kuwa Hoose.
Qeybtii koowaad ee warbixintaas waxaa kusoo qaadanayey 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen, waxaana Maanta qeybta labaad kusoo qaadan doonaa 10 xubin ee Golaha Shuurada Shabaab iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen.
10 xubin ee Shuurada Al-Shabaab ayaa ah meesha laga  go’aamiyo cidda noqoneyso hoggaamiyaha Shabaab iyo go’aanada kasoo baxo xarakadaan.
Beesha Hawiye ayaa leh xubnaha ugu badan ee Guddiga shuurada, waxayna heystaan ilaa shan xun oo ka tirsan taasoo ka dhigan inay heystaan 50% awoodda Guddigaas oo ah meesha Al-Shabaab laga maamulo.
Daarood iyo Dir ayaa ah labada beel ee kusoo xiga Hawiye waxayna heystaan 20% halka Beesha Digil iyo Mirifle ay heystaan 10%.
Haddaba halkaan hoose ka arag Sawir muujinayo sida ay Beelaha u qeysadeen.

Haddii ay ku dhaaftay qeybtii koowaad ee Warbixintaan fadlan halkaan ka akhriso:
220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen
La soco Berri iyo qeybta seddexaad oo aan kusoo qaadan doono

Sida ay beelaha u qeybsadeen Mas’uuliyiinta Amniyaadka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay u kala qeybsadeen beelaha (Yaa u badan?)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.