22 qodob oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo loo diray Shirka Brussels.

0
136

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin isugu jira xildhibaanno iyo Xisbiyada siyaasadeed qaarkood ayaa War-murtiyeed ka kooban 22 Qodob kasoo saaray magaalada Muqdisho.
Qodobadaas ayaa lagu eedeynayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaabka ay shaqeyso, waxayna u badan yihiin: cambaareyn, baaq, ugu yeerid, ka cabasho iyo caddeyn, waxaana lagu soo beegay shirka arrimaha Soomaaliya ee magaalada Brussels ee maanta furmaya.
Xisbiyada Wadajir, Daljir, Horusocod iyo Kulan ayaa war murtiyeedka ay soo saareen ka koobnaa illaa 22 qodob, waxaana lagu soo beegay ka hor shirka Brussels ee maanta furmaya, iyadoo nuqul ka mid ah loo diray Brussels.
War murtiyeedka ayaa ugu horeyn lagu cambaareeyay weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ku qaaday xarumaha dowladda iyo goobaha shacabka, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo aan waxba galabsan, waxaana ay tilmaameen in weerarkaas ay daciiftinimo muujiyeen.
Sidoo kale waxaa war murtiyeedka looga hadlay xirnaanshaha waddooyinka iyo in dowladda Federaalka ay xirtay waddooyin badan, isla markaana la xadiday dhaq dhaqaaqa dadka, waxaana xirnaanshaha waddooyinka saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo ganacsiga oo hoos u dhac laga dareemay.
Xisbiyadan ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin in xakameynta xoriyadda hadalka iyo in dowladda Federaalka ay xadiday dhaq dhaqaaqa siyaasiyiinta, isla markaana loo diiday mucaaradka shirarka iyo kulamada, taasoo ay ku tilmaameen inay xadgudub ku tahay qodobada dastuurka.

Xisbiyadu waxay sidoo kale muujiyeen walaacooda ku aadan “Khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya maamul goboleedyadda iyo Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya” kaas sida ay sheegeen ka dhashay aragtidda Dowladda Faderalka ah ee maamulka dhexe.
War murtiyeedka Xisbiyadda ayaa Dowladda faderalka ah waxaa uu ku eedeeyay  “in ay faragalineeyso arrimaha gudaha ee  maamulka Jubbaland, gaar ahaan magacaabistii Taliyaha qaybta 43 aad ee ciidanka Xogga Dalka”.
Waxaa ku xusan war murtiyeedka in Dowladda ay taliyaha magacowday iyada oo aan la tashan maamulka Jubbaland taasi oo xad gudub ku ah qodobka 20 aad ee Qorshaha Amniga Qaranka.
Xisbiyaddu waxay sheegeen in Khilaafka khaliijku uu saameeyn ku yeeshay Amniga iyo xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in Dowladda faderalka ah ay hesho Malaayiin dollar oo hoos u dhigaya Xasiloonidda.
Xisbiyaddu ma aysan sheegeen Wadanka ay Dowladdu lacagtaan ka hesho, iyo Tiradda Lacagta midna.
“Waxaan cambaareeyneeynaa cune qabateeynta Horumarka iyo gargaarka ee Dowladda faderalku kusoo rogtay Somaliland, waxaan ku boorineeynaa in Dowladda faderalku soo celiso macaamilka gaarka ah ee Somaliland” ayey Xisbiyaddu ku sheegeen war murtiyeedkooda.
Xisbiyaddu waxay Dowladda faderalka ah ku Booriyeen in ay Dooshooyinka 2020 ku dhacaan si sax ah oo aysan ka daba marin waqtigii loogu talogalay.
Waxayna ku adkeeyeen Dowladda in aysan ka leexan Nidaamka Qof iyo cod ee Doorashadda. Iyo in ay ogolaato Nidaamka Xisbiyadda badan ee Doorashadda.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso 22 qodob oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska






READ MORE FROM THE SOURCE: 22 qodob oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo loo diray Shirka Brussels.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.