267 Arday oo ka qalin jibsay Jaamacadda Jamhuuriya

0
34

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad ballaaran oo loogu maamuusayay qalin jabinta 267 arday oo dhamaysatay waxbarashada heerka koowaad ee tacliinta sare ee Jaamacadda Jamhuuriya .

Munaasabadan waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin katirsan dowladda gaar ahaan Wasaaradda waxbarashada ,hiddaha iyo tacliinta sare, bahda waxbarashada, waalidiinta ardayda, mas’uuliyiinta Jaamacadda Jamhuuriya iyo marti sharaf kala duwan.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada ,hiddaha iyo tacliinta sare  oo munaasabadda ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda maanta ka qalin jabisay, waxaana ardayda uu ku booriyay in ay sii wataan waxbarashada ilaa heerar kale la gaaraan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Mohamed Axmed Maxamuud oo isna hadal ka jeediyay munaasabada ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ardayda sanadkan ka qalin jabisay Kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Jamhuuriya.

Waxaa uu sheegay Gudoomniyaha Jaamacadda in ardayda maanta qalin jabisay kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda ay usoo dhabar adeegeen waxbarashada , isagoo kula dardaarmay inay waxbarashada halkeeda ka sii wataan uguna adeegaan dadkooda.

Qaar ka mid ah arday maanta xafladooda qalin jabinta loo dabaal dagayey ayaa dhankooda muujiyey dareenkooda farxadeed ee ku aadan in ay shahaadada heerka koowaad ee digriiga ka qaataan Jaamacadda Jamhuuriya iyaga oo u mahadceliyey waalidiintooda iyo macalimiintoodii u soo dhabar adeegay mudadii ay waxbarashada soo wadeen.

Jaamacadda Jamhuuriya oo ka mid ah Jaamacadaha ugu tayada badan ee ku yaala dalka ayaa waxaa ka qalin jabisay dufcadii afaraad , waxaana Jaamacadan dadaal badan ku bixisaa soo saarista aqoonyahano bulshada Soomaaliyeed wax tar badan u leh






SOURCE: 267 Arday oo ka qalin jibsay Jaamacadda Jamhuuriya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.