26SANO NIN KA FIKIRAYAY HAL MAGAC

0
1597

26 Ayaa Laga Jogaa Kala Qaxii Ku Yimid Dalka Yugoslavia islamarkana jamhuuriyada Macedonia la yagleelay .

Ilaa xilligaasi dalka cusub ee Macedonia waxa lagu haystay magacaasi “Macedonia”. .

Laga soo bilaabo 26 sano ka hor Matthew Nimetz,oo ah dublamaasi u dhashay dalka Maraykanka waxa uu ka shaqaynayay sidii loo xalin lahaa dhibaatadan.

Matthew Nimetz ayaa sheegay in waqtigiisa 23 sano uu tillaabo waliba oo uu qaado uu ka fikiri jiray magaca hal erey oo ah “Macedonia”.

“Xaqiiqdii waxa aan uga fikiray si ka badan sida uu qof kale uga fikiro oo xitaa ay ku jiraan dadka u dhashay dalkaasi “ayuu yiri Nimetz oo ah dublamaasi 78 jir ah .

Nimetz ayaa tan iyo 1994,dadaal ugu jiray xalinta mid ka mid ah muranada ugu xasaasisan caalamka ,taasi oo ah Gariiga oo ka soo horjeeda islamarkana diidan magaca Macedonia .

Waxa ay sidoo kale Gariiga is hortaageen tan iyo inta laga badalayo magaca Macedonia aysan dalkaasi ku soo biiri Karin gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub.

Dalka Gariiga ayaa waxay sheegeen in magaca “Macedonia”uu yahay mid uu dalkaasi ku damacsan yahay in ay ku doodaan gobolka ku yaalla wuqooyiga Gariiga oo lagu magacaaboMacedonia.

Macedonia, ayaa dhankooda waxa ay ku doodayaan in ay xaq u leeyihiin in ay raadiyaan dadkoodii asalka ahaa ee boqortooyadii Macedon,oo uu mar xukumi jiray Alexander the Great -islamarkana magaca”Macedonia”uu yahay midka ugu haboon.

Hadaba markii Nimetz uu bilaabay shaqdiisa ah xal u helida arintan ayaa waxa uu ahaa ergaygii madaxwayne Bill Clinton u qaabilsanaa xalinta muranka.

Balse laga soo bilaabo 1999 Matthew Nimetz waxa uu ahaa ergayga qaramada midoobe u qaabilsan sidii xal looga gaari lahaa magaca Macedonia.

Matthew Nimetz ayaa sheegay in mudadaasi dhan 26 sano uu ka fikirayay hal magac oo ah Macedonia.

Qaramada midoobe ayaa aqbashay in Macedonia loogu yeero ‘jamhuuriyada Yuquslaafiyadii hore ee Macedonia (FYROM)balse arintaasi ma ahayn xal waara’waxa ayna abuurtay muran cusub.

“Waa magac jumla ahaan xitaa adag,”ayuu yiri mr Nimetz.

Matthew Nimetz ayaa sheegay in mar waliba oo dowlad cusub ay xilka qabato ay rajado ahayd mid wanaagsan balse taasi aysan xal keenin.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.