27-da Mas’uul ee ugu sareyso Amniyaadka Shabaab iyo sida ay Beelaha u qeybsadeen

0
266

Muqdisho (Caasimadda Online) – Intiinii la socotay waxaan dhawaan idiin soo gudbinay qeybta Labaad warbixino musalsal ah oo aan uga hadli doono sida ay Beelaha Soomaaliyeed u qeybsadeen xilalka Ururka Al-Shabaab kuwooda ugu sareeyo, kowooda dhexe iyo kuwa Hoose.
Qeybtii koowaad ee warbixintaas waxaa kusoo qaadanayey 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen, sidoo kale qeybtii labaad ee warbixintaan waxaan kusoo qaadanay 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen.
Haddaba Waxaana Maanta qeybta Sedexaad kusoo qaadan doonaa 27 Mas’uul ee ugu sareyso Amniyaadka Shabaab iyo sida ay beelaha u qeybsaden
Waxaa mar kale muuqato in Beesha Hawiye ay ugu badan tahay 27 Mas’uul ee ugu sareyso waxaana ku cad sawirka hoose inay Hawiyo Mas’uuliyiintaas ku leedahay wax ka badan 50% taasoo ah inay ku dhawaad 18 Mas’uul kasoo jeedan Beeshaas.
Beesha Daarood ayaa ah Beesha kusoo xigto Hawiye, waxayna leedahay 20% xubnaha ugu sareyso amniyaadka Shabaab.
Sidoo kale waxaa kusoo xigta Beesha Digil iyo Mirifle oo iyana leh 18% , halka 4% ay leedahay Beesha Dir.
Ugu dambeyntii Beelaha Shanaad ama (Others) ayaa leh 2%.
Waxaa si weyn u muuqato in Beesha Hawiye ay ku xoogan tahay dhammaan dhinacyadii aan kusoo qaadanay Warbixintaan Tixanaha ah.
Halkaan hoose ka arag sawirka arrintaan muujinay.

La socoto qeybta xigta oo aan uga hadli doono : Sida ay beelaha u qeybsadeen Mas’uuliyiinta Jabhadda
Haddii ay ku dhaaftay warbixinadi hore halkaan hoose ka akhriso:
220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen
10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen (Yaa u badan)
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: 27-da Mas’uul ee ugu sareyso Amniyaadka Shabaab iyo sida ay Beelaha u qeybsadeen

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.