3 Milyan Oo Maanta Gudanaya Acmaasha Xajka

0
317

Malaayiin xujey ah ayaa Maanta waxa ay taagan yihiin Banka carafo iyaga oo gudanaya mid ka mid ah tiirarka ugu weyn Islaamka.
Waxa ay xujeyda banka carafe ka tagi doonaan caawa iyaga oo aadi doona musdalifa.
Cali Nuur oo ka Mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ayaa Goobjoog News waxaa uu uga warramay xaaladda Xujeyda isaga oo tilmaamay in Muslimiinta iskugu timid Xajka ay u duceeyeen umadda Soomaaliyeed iyo Midda Muslimka in uu ilaa hey dhibka ka dul qaado.
Banka Carafo ayaa Maanta waxaa dagaan in ku dhow 3 Milyan oo Muslimiin ah kuwaasi oo gudanaya tiir ka mid ah Tiirarka Islaamka.
Dadka ayaa ka kala yimid daafaha dunida waxaa ayna Caawa aadi doonaan dhanka Musdalifa.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: 3 Milyan Oo Maanta Gudanaya Acmaasha Xajka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.