5 Tab oo Wax Ka Bedeli Kara Qaabka Aad u Isticmaasho WhatsApp

0
722

WhatsApp waa adeeg farriimeedka loogu isticmaal badanyahay dunida, tirada dadka bil kasta isticmaala waxa ay gaaraan 1.5 billion (hal dhibic shan bilyan) oo qof, farriimaha maalintii la isku weydaarsadana waxa aay gaarayaan 60 milyan.

Macaamiisha adeeggaan kama qarqadaan in aay jiraan siro qarsoon oo lagu tilmaamay “Doqoni magarato” oo uu adeeggaani leeyahay. Waxaan halkaan kusoo koobeeynaa siraha qarsoon ee uu adeeggaan leeyahay, kuwaas oo dad badan oo Soomaaliyeed ayan si fiican uga faa’iideysan.

1- YouTube

Markii laguusoo diro muuqaal YouTube ah kuma khasbanid inaad WhatsApp ka baxdo kadibna aad muuqaalka soo daawato, laakiin Cusbooneysiintii ugu dambeysay (latest update) ee adeegga ayaa kuu saamaxaysa inaad ku dhex-daawato.

2- WhatsApp Tricks

WhatsApp  waxa uu leeyhay waxyaabo gaar ah oo aad raacin karto muuqaallada iyo sawirrada oo aad si gaar ah ugu calaamadaysan karto, si aay kuugu noqoto summad khaas ah.

3- Lacag Diris

Waxa uuba Whatsapp isku bedelay Xawaalad, laakiin ma dhowa wakhtiga uu soo gaarayo geyiga Soomaaliyeed, hada waxaa laga bilaabay Hindiya si tijaabo ah. Haddii saaxiibadaa aad damacdo inaad lacag u dirto way kuu sahlan tahay, adigoo la hadlaya ayaad lacagna u diri kartaa. Adeeggan ayaa hadda waxaa isticmaala hal-milyan oo qof oo qura, waxaase la filayaa in dhawaan adduunka oo dhan uu ku baaho.

4- Farriimaha oo aad tirtiri karto

Waxaa dhici karta inaad dirto farriin kaa khaldanta, si fudud ayaad ku masixi kartaa. Tani waxa aay kuu fududeyneysaa in aaysan kaa harin wax cadeyn ah, laakiin ogoow in qofka aad udirtay farriinta uu ka dul sawiran karo (Screenshot).

5- Adiga oo  is-qarin kara.

Adiga oo isticmaalaya WhatsApp ayaad hidana iska dhigi kartaa qof aan joogin oo aan adeegga isticmaaleen. dadku ma arki karayaan wakhtigii kuugu danbeeyey laakiin hadaad isqariso adiguna ma arki kareysid dadka markaasi joogta ‘Online’-ka ah.

Hadaad rabto in aad isqariso, Waxaad tageysaa Settings, ka dooro Account kasii dooro Privacy, iska xanib last Seen, markii aad tallaabooyinkan qaaddo cid kale kuma arki karto.

©Baaritaan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.