8ARIMOD OO WAD KU AH JACAYLKA

0
1965
  1. Tashi la’aanta;Kaligii talisnimo katimaada xagga ninka iyo xaga gabadha waxay sababtaa in gurigu noqdo meel qofka kale aanu waxba kulahayn marka waxa loobahyahay in la tashto sida ALLE faray dadka Muslimiinta.

 

  1. Masayrka badan;Masayrka badan waxaa laga yaabaa inuu dumiyo jiritaanka xidhiidhka qoyska, oo noloshu kabaxdo daganaan oo ay isu bedesho shakki iyo walwal, waxayna dhalisaa su’aalaha shakiga, waxaana ku xiga male-xumo, natiijadiisuna tahay cadaawad iyo baqdin, waxaana qarsooma dhamaan calamadihii jacaylka iyo baahida, Lamaaha waxaa laga rabaa inaysan kabad-badin masayrka oo ay noqdaan kuwo aan ku xadgudbin masayrka, oo ay warka isu caddeeyaan, si ay uga fogaadaan shakiga.

 

  1. Dhiiri galin la’aan iyo qiimeyn la’aan;waxa dhacda in labada lamaane midwalba uu leyahay yoolal uu hiigsanayo, uuna ubaahanyahay wax taageera oo dhiirri galiya, fahanla’aanta aanu fahmin midkood midka kale inuu dhiirri galiyo, iyo inuu qiimeeyo baahidiisa, iyo inuu hankiisa hoos udhigo waxaa ay dhalisaa jeesjees, taasoo keenta in lakala caajiso, Waxaa lamaane walba looga bahanyahay inuu taageero, u howlgalo inuu lamaanihiisa kutaageero inuu ku guulaysto wuxuu hiigsanayo.

 

  1. Mashquulka badan;Lamaanaha midkood oo ka mashquula lamanihiisa kale guriga dhexdiisa, banaankiisa, asxaabta, shaqada iyo xananada caruurta iwm waxay lamaha kale dareensiisaa in aanu helin muhiimadii uu lahaa, marka waxaa muhiim ah inaad lamaanahaga siisid wakhti gaar idin ah.

 

  1. Jees-jees iyo dareen dhaawac;Kujees-jeeska, lagu jees-jeeso lamaanahaaga dhaqankiisa, ama muuqaalkiisa, ama sida uu ufekero waxay dhalisa dareen xumo iyo isnicid iyo inaan la’isu hiloobin oo aanan la is jeclaan, Lamaanaha waxaa laga rabaa inay is ixtiraamaan, oo ay is tixgaliyaan.

3.Waxkala qarsiga; Nolosha lamanahu kama marnaato dhibaatooyin, soo noqnoqoshada dhibatadaas, iyo joogsi la’aanteeda haddii aanay lamaanuhu kawada hadlin arintaas waxay dhalisaa in la is naco oo lakala dido, marka hadday dhibaato dhacdo waxaa wanagsan in lagu bilaabo wada hadal qabow.

 2.Isbar-bardhigid; Lamanayasha qaarkood waxay caado kadhigtaan inay lamanohooda lasiman ama ka hoos mariyaan asxbtooda iyo dadka kale, ama ay dhahaan hebel/hebla baa kaa fiican, ama sidaas buu reerkiisa ula dhaqmaa.

 

 

1.Bal-balaadhinta ceebaha iyo qarinta wanaagga; lamanayaasha qaarkood waxay arkaan oo kaliya lamanohooda ceebihiisa, waligoodna waxay caadaystaan inay bal-balaadhiyaan cebahaas, taasina waxay dilaysaa isjacaylkii iyo isusoo hilowgii lamaanahaas.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.