9 waxyaabood oo ay tahay in doorashada Puntland ka dhici doonta aad ka ogaato

0
263

Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland waa maamul goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya, ugu dhaqaalaha badan uguna nidaamka wanaagsan. Qofka Puntland maamulaya waxaa uu gacanta ku haya nidaam dhisan oo u baahan in lasoo hormariyo.Shacabka reer Puntland waxaa ay doonayan in la dhiso xisbiyo siyaasadeed iyo in ay iyagu codkooda toos u dhiibtaan oo ay doortaan hogaamiyahooda. Qofka loo doorto madaxtinimada Puntlad waxaa uu xafiiska jooga muddo 5 sanno ah.Puntland ma’ahan sida ay dadka qaarkii u arkaan. Waa maamul ay wali si dadban u ilaaliyan isimada dhaqanka. Bisha Janaayo ee sanadka soo aadan 2019, waxaa Puntland ka dhacaya doorasho madaxweyne, waxaana ilaa hada socda hardan xoogleh ,iyadoo durba lasoo calaamadeeyay labada musharax ee ugu cadcad.Madaxweynaha tallada haya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa doonaya inuu soo noqdo markale, waxaa la aaminsan yahay inuu dhowr shaqo oo muhiim ah qabtay intii uu xafiiska joogay laakiin marka la eego waxyaabihii uu balan qaaday xiligiisii ololaha 30% xitaa ma qaban.Balse, aragti aruurinta warbaahinta madaxabanaan ayaa Gaas ka dhigeysa mid markale ku cadcad inuu soo baxo waxaana loo sababeynaa saddex arimood.1-Imaarate-ka oo bixinaya qarashka lagu dooranaayo.2-Cumar Cabdirashiid oo gadaal ka taageeraya.3-Gacanta uu ku lee yahay xulista xildhibaanada.Cabdi Faarax Siciid Juxa waa ninka labaad ee ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland, waa wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, madaxii waxbarashada ee xafiiska EU ee Soomaaliya iyo saxafi hore.Arragti aruurinta warbaahinta madaxabanaan ayaa Juxa ka dhigeysa ninka ugu adag ee wajihi kara Cabdiweli Gaas ,dhowr arrimood ayaa loo sababeynaya inuu Juxa yahay qofka ugu dhow ee badali kara Cabdiweli.1- Rabitaanka Shacabka Puntland.2-Ardaydii uu waxbarashada u diray oo xildhibaano u sharaxan.3-Aragtidiisa siyaasadeed oo cad.4-Xogogalnimadiisa Puntland iyo Dowlada dhexe.5-Ganacsatada oo isaga taageersan.6-Inuu Puntland gaarsiinaayo doorasho qof iyo cod ah.Sidoo kale musharaaxiinta Siiciid Cabdulaahi Deni, Faarax Cali Shire iyo Jabiye ayaa ka mid ah shanta musharax ee ilaa hada la aaminsan yahay inuu midkood noqon doona madaxweynaha xiga ee Puntland.Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com




SOURCE: 9 waxyaabood oo ay tahay in doorashada Puntland ka dhici doonta aad ka ogaato

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.