A/Madoobe oo dardaarankii ugu dambeeyay siiyay ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al Shabaab (Sawirro)-

0
324

Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo u muuqda mid ku tashanaya in ciidamada Jubbaland loo diyaariyay ay Al Shabaab ka saarayaan deegaanada maamulkaasi ayaa u jeediyay dardaarankii ugu dambeeyay.Axmed Madoobe ayaa u sheegay ciidamada inay yihiin kuwo Geesiyaal ah oo laga sugayo inay Al Shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin, waxaana uu sheegay in howlgalka ugu horeeya yahay sidii loo xoreyn lahaa Bu’aale.Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo marka hore Al Shabaab.Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Jubbaland, Dagaalka Shabaab lagu qaadi doono ayuu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in dhinacyo badan laga fulin doono sida deeganada Xeebaha ku teedsan iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo kol dhow gacanta soo gali doona sida uu Madaxweynahu sheegay.Dhaqdhaqaaqa ciidamada Jubbaland ay ka wadaan Jubbooyinka ayaa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada, waxaana ciidamada qaar lagu geeyay magaalada diyaaradaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com




SOURCE: A/Madoobe oo dardaarankii ugu dambeeyay siiyay ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al Shabaab (Sawirro)-

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.