A/Madoobe oo sheegay in baasaboorada shisheyee ay arrin muhiim ah ka hor-taagan yihiin madaxda DF

0
284

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa shaaca ka qaaday sababta ay dowlada Somalia u fulin la’dahay xukunada dilalka ah ay tahay baasaboorada shisheeye ee ay haystaan.
Axmed Madoobe, oo khudbad ka jeedinaayay shirka ayaa sheegay in Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay riday xukuno badan balse aan wali la fulin xukunadaasi oo ay ku jiraan dilal toogasho.
Axmed Madoobe, isaga oo hadal ka jeedinayey Shirka Golaha Iskaashiga ayuu sheegay in Madaxda DFS midkasta uu heystso Baasaboorka wadamada Shisheeye, isla markaana ay ka baqdin qabaan in dambiyo looga qabsado wadamadaas.
Hogaamiye Axmed Madoobe oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in madaxda Somalia dalalka ay ka heystaan baasaboorada aan laga ogoleyn fulinta dilalka.
Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Markii aan dib u eegno xukunada ay ridaan Maxkamada Ciidamada ee dalka iyo sababta loo fulin la’yahay, madaxdeena ayaa heysata Baasabooro Shisheeye dalkaasina lagama ogola xukunka dilka ah”.
“Arintaasi waxay kordhineysaa Al-Shabaab awoodooda waayo waxa ay ku xisaabtamayan inaan la tooganeynin”.
Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta dowlada ee heysta dhalashada uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo heysta dhalashada dalka Mareykanka.
Ra’isul wasaare Kheyre ayuu sidoo kale sheegay inuu heysto baasaboorka dalka Norway, isla markaana dalalkaas aan laga ogoleyn xukunada dilalka ah.

Haddalka Axmed Madoobe, ayaa imaanaya xili Maxkamada ciidamada Qalabka sida ay riday xukuno dil toogasho ah, balse aan la fulin xukunadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com






SOURCE: A/Madoobe oo sheegay in baasaboorada shisheyee ay arrin muhiim ah ka hor-taagan yihiin madaxda DF

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.