Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiil shalay lagu dilay Qaran Miino

1
405

Jimco, December, 07, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaao ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku dhintay qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.




SOURCE: Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiil shalay lagu dilay Qaran Miino

1 COMMENT

  1. Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga Dhanaan

    My comment on the above article from saadaalnews.net of 7 Dec. 2018:

    Abdulqadir Tallman
    Saraakiishan iyo askarta ku le’atay qaraxan waxaa masuul ka ah Farmaajo. Isagaa u hoosaasiyay cadawgooda oo askarta been u sheegay, geliyayna dagaal aanay dawladda Farmaajo daacad ka aheyn. Ciidankana bootada iyo beenta Farmaajo ayey rumeysteen.

    Saa saraakisha iyo askarta Xoogga Dalka Soomaaliyeed laguma soo anqarinin, mana filayaan oo xataa kuma riyoodaan
    Taliyihiinii Guud = Commander-in-Chief of all the armed forces =(oo ah madaxweynaha) ayaa cadaw idiin hoosaasinaya.

    Ciidamadan dagaal baa la geliyay iyadoo aan loo dhammeystirin qalabka, saanadda iyo hubka ay u bahan yihiin.
    Ciidamadan taliyahooda guud — Commander-in-Chief oo ah madaxweynaha, ayaa ku boorriyay dagaal aanay
    u diyaarsaneyn.

    Ciidamada Xoogga Dalka ma haystan qalabka miinada lagu baaro oo la isaga sii hormariyo jidadka ay ciidamadu ku safrayaan. Qalabkaas culus ayaa hore u sii qarxin lahaa wixii miino ah oo meeshaas lagu aasay.

    Ciidamada Xogga Dalka ma haystaan helokobterro dusha habeen iyo maalin kala socda ciddii wax ku aaseysa waddada.

    Waxaa jirin sahan heer sare ah oo cadawga ka soo tebiya dhagaraha uu maleegayo.

    Militariga, hay’adda sirdoonka NISA, madaxda, wasiirada iyo wasiir-ku-xigeennadaba waxaa tif ka ah dhagar-qabayaal cadawga la shaqeeya oo markoodii horeba bareer uga mid ahaan jiray mintidiinta. Jagooyin halbowlayaal u ah dawladda ayey maanta hayaan. Xogta dawladda oo dhan iyagaa cadawga u gudbiya.

    Janannada, saraakiisha iyo askarta Xogga Dalka, Farmaajo wuxuu ku dhex tuurayaa ololkaas isagoo aan u dhammeystirin qalabkooda, saanadooda, hubkooda iyo tababarkooda. Markaas ayey tarab tarab u le’anayaan.

    Jananno iyo saraakiil sarsare oo dalka qiime weyn uugu fadhiya, lana soo barbaarinayay soddoomeeyo sano ayuu Farmaajo cadawga u loogayaa. Kharajkii lagu diyaarin lahaa qalabkooda, saanadooda, hubkooda, tababarkooda, iwm, Farmaajo laaluush buu ku bixiyaa iyo kala tuurista maamul goboleedyada. Malaayiin doolar buu ku kharaj gareeyaa facebook iyo igu sawir iyo iidheh. Kuwo nolosha ka dhacay buu lacag ku bixiyaa si ay ugu amaanaan baraha bulshada, wargeysyada, websitesyada, raadiyayaasha.

    Ma is-weydiisay xagguu ku dambeeyay Daahir Calasowgii mucaaradka ahaan jiray. Sida an qabo, lacag bay malaha ku aamusiyeen oo mar uun buu qayooday.

    Lacagtii lagu diyaarin lahaa Xogga Dalka, waxyaabahaas baa lagu khasaariyaa.

    Farmaajo waxaa u daran inaan wax laga sheegin. Waxaa ciidanka uga muhiimsan in la amaano oo lagu amaano guulo aanu keenin.

    Xataa wixii ra’yi ah oo halkan lagu soo qoro, wuxuu u sameeystay kuwo caaya qofkii Farmaajo ka ra’yi iyo aragti duwan. Qaar baa magacyo ben ah leh oo wejigooda qariya. Qashinkaas iyo cayayaankaas bu adeegsadaa Farmaajo. Lacagtii lagu diyaarin lahaa Xogga Dalkana waxaas iyo wax la mid ah ayey ku baxdaa.

    Waxaa u daran in aan laga hadlin afartanka milyan doolar oo la la’yahay meel ay mareen. Malaayin doolar buu ku bixinayaa in la kala diro Guddigii Maaliyaada iyo La-xisaabtanka ee Golaha Shacabka oo soo saaray fadeexaddan 40-ka milyan oo la xaday.

    Afartankii milyan oo doolarna waa maqan tahay, afartan malyan oo kalena waxay ku baxeysa duugduugidda fadeexadaas. Xogga Dalkana ma haysto xataa mushahar joogta ah oo iyagii iyo caruurtoodiiba mujaaco ayey la il-daran yihiin. Ma maqashay askar loo xiray markii ay yiraahdeen: Ama musharkayagii ha la ina siiyo, ama ha la ina ruqseeyo, si’ aan ugu xamaalano reeraheenna. Maanta kuwaas xabsiga ayey ku jiraan.

    Kharajkii Xooga Dalka loogu dhammeystiri lahaa saanaddooda, iyo qalabkooda iyo hubkooda waxaa loo adeegsadaa laaluush iyo faqfaq.

    Arrinkan waa inuu reebaa natiijo uusan mahadinin Khaainka Farmaajo ah oo afar dekadood u saxiixay Itoobiya.

    Khaainka Farmaajo ah oo mujaahid Cabdikariim Qalbi Dhagax u gacan geliyay Tigreeygii dhowaanta la inqilaabay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.