Abiy Ahmed oo Midowga Yurub ka sugaya qorshe la xiriira DF iyo Somaliland

0
239

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka war sugaya Midowga Yurub, si uu billaabo qorshaha uu ku heshiisinayo maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.Toddobaadkii tagay, wafdi ka socda dhowr dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa tagay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay wada-hadallo kula yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay kala hadleen qorshaha horey loogu sii wadi karo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.Wafdigan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaalka uu Abiy Ahmed ku dhex-dhexaadinayo Somaliland iyo Soomaaliya, si taasi ay u xoojiso nabadda Geeska Afrika.Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, wada-hadallada ayaa si rasmi ah u billaaban doona marka Midowga Yurub ay go’aamiyaan, islamarkaana ay taageeradooda ku biiriyaan.Wafdiga Yurub ayaa la filayaa in Abiy Ahmed ay warbixin ka siiyaan wixii ay kala soo kulmeen Musue Biixi, waxaana wararku sheegayaan in Biixi uu u sheegay inuu diyaar u yahay wada-hadallada.Muuse Biixi ayaa horey wada-hadal uu la furo dowladda Soomaaliya ku xiray shuruud ah in beesha caalamka ay damaanad qaado, isaga oo dowladda federaalka ku eedeeyey in marar badan ay dhinac martay wada-hadallada, kuna kacday “falal Somaliland ka dhan ah.”Muuse Biixi ayaan sidoo kale ku qanacsaneyn in wada-hadallada ay dhex-dhexaadiso oo kaliya dowladda Turkiga, oo uu ku eedeeyey inay u janjeerto dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Abiy Ahmed oo Midowga Yurub ka sugaya qorshe la xiriira DF iyo Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.