Abu Dhabi: Shir Madaxeed Saddex-Geesood Ah OO Dhex-maray Imaaraadka, Eritrea iyo Itoobiya

0
280

Magaalada Abu Dhabi waxaa ay marti-gelisay shir saddex-geesood ah,  kaas oo ay wada yeesheen dhaxal sugaha Abu Dhabi Maxamed Bin Zaa’yid, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyanaha Eritrea Isaias Afwerki.
Shirkaas, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta madaniga ah ee ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaa xafladda joogay wufuud badan oo ajaanib ah, oo ay ku jiraan safiirro.
Maxamed Bin Zaa’yid oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Imaaraadka ugu hambalyeyneyso labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea heshiiska taariikhiga ah ee ay gaareen, isaga oo rajeeyay in tilaabadaas ay horseedi-doonto horumar dhaqaale iyo mid bulsho inay abuuri-doonto fursado maal-geshi.
Dalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa soo afjaray khilaaf labada dhinac u dhaxeeyay in ka badan 20 sano
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Abu Dhabi: Shir Madaxeed Saddex-Geesood Ah OO Dhex-maray Imaaraadka, Eritrea iyo Itoobiya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.