Adrien Rabiot Oo Iska Diiday Dalabkii Ay Tottenham Ka Gudbisay Si Uu Liverpool Ugu Soo Biiro.

0
60

Xidiga kooxda PSG falaagada ku noqday ee Adrien Rabiot ayaa iska diiday dalab ay Tottenham ka gudbisay oo 18 milyan gini ahaa waxaana xidiga reer France doonaya kooxaha Barcelona iyo Liverpool. Laakiin waxaa soo baxay war cusub oo sheegaya in sababta uu Adrien Rabiot u diiday dalabka Tottenham ay tahay in uu door bidayo in uu Liverpool ku soo biiro.
Inkasta oo ay qaar ka mid ah warbaahinta Spain qoreen in Barcelona ay heshiis hordhac ah la sii gaadhay Adrien Rabiot, haddana wargayska The Sun ee England ka soo baxa ayaa daabacay warbixin uu ku shaaciyay in Adrien Rabiot uu iska diiday Tottenham si uu Liverpool ugu soo biiro.
Adrien Rabiot ayaa hore loo ogaa in uu taageero kooxda Liverpool isaga oo sawirada Anfield baraha bulshada soo dhigay ka hor kulankii ay kooxdiisa PSG iyo Liverpool ku wada ciyaareen Champions league laakiin hadda wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Liverpool ay si xor ah ku heli karto saxiixa Adrien Rabiot.
Adrien Rabiot ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda kooxda kowaad ee PSG kadib markii lagu ciqaabay go’aanka uu mustaqbalkiisa ka gaadhay ee ah in aanu wax heshiis cusub ah u saxiixin PSG taas oo sabab u noqonaysa in uu si xor ah ku bixi karo marka la gaadho June 30.
Wargayska The Sun ayaa shaaciyay in Adrien Rabiot uu markasta jeclaa in uu Liverpool u ciyaaro laakiin Reds ayaan bishan January suuqa ugu jirin saxiixyo cuusb iyada oo la filayo in Chamberlain uu soo labaanayo balse Klopp ayaa si wayn u soo dhawayn doona fursada uu Adrien Rabiot si xor ah ugu heli karo dhamaadka xili ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, Tottenham ayaa markale ku fashilantay isku daygii ay ku doonaysay saxiixa Adrien Rabiot kaas oo hadda u muuda in uu ka dhexeeyo kooxaha Liverpool iyo Barcelona.
The post Adrien Rabiot Oo Iska Diiday Dalabkii Ay Tottenham Ka Gudbisay Si Uu Liverpool Ugu Soo Biiro. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Adrien Rabiot Oo Iska Diiday Dalabkii Ay Tottenham Ka Gudbisay Si Uu Liverpool Ugu Soo Biiro.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.