Afrika iyo Galbeedka kee la biilaa, keese wax biilo?

0
336

Afrika waa qaarad sabool ah, waxaa naga saran masuuliyad inaan caawino. Waa hal ku dhig dhagaheenna ku badan kumannaan sawir, muqaallo, boggaga hore ee wargaysyada, idaacadaha caalamiga ah iyo  codsiga hayadaha gargaarka lagu ayido. Sheekooyinka hal dhinac laha ah ee lasoo xulo iyo sawirrada qarracanaka wato, iyagoo isticmaalayo, ayay qalbigeenna ku tallaaleen hal sawir oo ay Afrika leedahay kaas oo ah faqri. Balse xaqiiqdu waxay tahay in Afrika ay biisho dunida hodanka ah ee aan iyada la biillin.

Afrika waxaa dunida kale kasoo galo $161 bilyan oo isugu jiro kaalmo, deyn iyo lacagaha ay diraan Afrikaanka dibadaha ku nool. Dhinaca kale Afrika waxaa sanad walba dunida kale ka aaddo $203 bilyan. Aan jajabinno caddaadka aan xusnay.

Afrika waxaa kaalmo loo siyaa $19 bilyan laakiin intaas saddex laabkeed ($68 bilyan) ayay shirakadaha waaweyn ee ree Galbeedku dibadda ooga bixiyaan si xatooya ah. waxaa ka mid ah qaabka ay lacagtaas ku qaataan ka been sheegid faaiidada ay helaan si loogu dhaafo canshuurta dowladda, ka been sheegid caddadka alaabaha ay soo dajiyaan ama ay dhoofiyaan si aan loo canshuurin iyo siyaabo kale oo wada sharci darro ah.

Aqoon la’aanta shaqaalaha, qalab la’aan, xil gudasha la’aanta madaxda iyo musuqa baahsan ee qaaradda ka jiro ayaa sahlay inay shirkadu xadaan adduun sidaas u badan. Shirkad xadayso bilyans sanad walba ayuu madaxweynaha dalka laga xadayo waydiista deyn iyo kaalmo, halka uu raadin xal uu ku ilaashado xoolahiisa.

Qurbajoogta Afrika ee ku nool Galbeedka ayaa sanad walba dira lacag dhan $30 bilyan taas oo in badan aan ka maqalno idaacadaha ree Galbeedkuna noogu manno sheeegto laakiin qurbajoogta ree Galbeedka ee ka shaqeeyo shirakadaah ka howl galo Afrika ayaa Galbeedka usoo diro $32 bilyan oo doolar. Midda qurbajoogteennu soo dirto waan maqalnaa laakiin ma maqalno midda dalalkeenna ka baxdo noomana xisaabsano walow ay ka badan tahay midda aan helno.

Dowladaha Afrikaanka ah waxaa deyn loo siyaa balaayiin doolar oo loogu manno sheegto walibana shardi looga dhigo in ay talada wax ka siiyaan deyn bixiyaha laakiin caddadka aan u bixinno dulsaarka sanad walba ayaa ka badan deynta aan helno haddana cod kuma lihin mana sheegan karo. Tusaale, sanadki 2015ki Afrika waxaa la siiyay deyn dhan $32.8 bilyan laakiin waxay dulsaar ahaan u bixisay $18 bilyan. Waa in ka badan kalabar deynti ay heshay. $9 bilyan oo kale waxay dulsaar u siisay shirkado iyo shaqsiyaad deymo gaar ah leh.

Bixinta dulsaarka ayaa dalal badan ka dhigay kuwo u shaqeeyo dowlado shisheeyo kaliya. Gaana, tusaale ahaan, 30% lacagta kasoo gasho dalkeeda waxay ku bixisaa dulsaarka deynta ay qabto. Dalka Musambiik, halki doolar oo uu helaba waxaa saran 21 doolar. Cilmibaaris kale waxay tustay in halki doolar ee cawimaad loo bixiyaba lagu baddalo siddeed doolar oo miiska hoostiisa la marsiiyo.

Hayadaha gargaarku xatooyada nadiif kama aha. Waxaa jiro hayado waaweyn oo ay leeyihiin dowlado gaar ah kuwaas oo maalgaliyo deymaha la siiyo waddamada Afrika iyadoo loo yeelayo waji gargaarka. Tusaale, hayadda UKAID, ayaa bixiso lacago deyn ah oo ay siiso shirkado furayo iskoollo iyo isbitaallo. Ujeedka ayaa ah inay hayaddu bixiso lacagta raasamaalka ah, shirakadaha la siiyayna ay furaan adeegyo anfaco dadka deegaanka.

Laakiin shirkadaha furo adeegyadaas iyo hayadda maalgalisayba waxay rabaan inay wax usoo noqdaan taasoo keentay in la tahli waayo adeegyadoodi. Waddamo badan oo ay ka  mid yihiin Yugaandha iyo Kiinya ayaa albaabbada u laabay iskoollada sidaas lagu furay ka dib marki la arkay inay dhiig-miirati yihiin.

Intaas waxaa dheer kheyraadka sidiisa lagu xado sida macdanta, dahabka, dhirta iyo kalluunka. Isku dar kheyraadka ay xadaan shirkada shisheeyo ayaa lagu qiyaasay $32 bilyan sanadkiiba. Sidoo kale, $36 bilyan ayaa lagu qiysaasay lacagta Afrika magdhow ahaan ooga heli lahayd shirakadaha ree Galbeedka ee wasaqeeyo hawadeeda. Waddamada kale waa qaataan magdhowgaas laakiin Afrika cidna ma siiso iyaduna ma doonato, inaysan warba u hayna laga yaabo.

Dadka boobayo qaarada Afrika maahan caddaan iyo Aasiyaan kaliya ee Afrikaan badan ayaa dhinacooda ka wado xaalufinta qaaradda. Waxaa jiro 165000 oo ah Afrikaan aad  maalqabeen u ah. Hantidoodu marki la isku daro waxay gaaraysaa $860 bilyan. Hasa ahaatee xoolahooda waxaa ka faaiido ree Galbeedla, Afrikana waxay ka qaadaan mooyee wax badan kuma caliyaan.
Tusaale, sanadki 2014ki $500 bilyan oo ay leeyiin maalqabeennada Afrikaanka ayaa taallay malja’yada canshuuraha (tax heavens) oo ah jasiirado uu maamulo Ingriisku. Lacagtaan waxay ka shaqayn lahayd qaaradda dhexdeeda. Waxaa lagu maalgalin lahaa adeegyada bulshada ee kala duwan ee kaabayaasha dhaqaalaha. Waa lacag haddii ay tujaartaas qaaradda galiyaan looga maarmi lahaa maalgashi shisheeye. Nasiib-darro waxaa ka faaido ree Galbeed kaliya halka dadka laga dhex tabcay qaarna laga xaday ay gaajo la ildaran yihiin
Maxaa xal ah
Xalka dhabta ah wuxuu gacanta ugu jiraa madaxda Afrika. Laakiin uma socdaan inay xal u helaan mushkiladda qaaradda haysato. Marka waa inaan u cabannaa kuwa aan ka cabanayno si ay dhibka noogha khafiifiyaan kolleey naga deyn mahayeene.
Midda ugu horrayso waa in qaaradda Afrika laga raabaa suuqa xorta iyo u oglaanshaha shirakadaha shisheeye inay u tartamaan mashaariicda dowladaha Afikaanka ah waayo malaha awood iyo aqoon ay isaga eegaan heshiisayada ay galayan kulana xisaabtamaan shirakdaha waaweyn ee ay leeyihiin dowladaha waaweyn.
Arrintaan Afrikaanka dhexdooda xataa dhib ayay isku hayaan, tusaalana waxaa kuugu filan in shirkadaha Kiinya iyo Itoobiya ay si siman kula tartamaan shirkadaha Soomaaliya mashaariicda lagu hormarinayo Soomaaliya. Qoloba qoleey ka daran tahaye, innagu waxaan ugu hoosaynaa Afrika xagga awoodda iyo aqoonta sidaas darteed inaan galno hsehiisyo caalami ah oo muddo dheer soconayo waqtigaan waxa laga dhexli doono waa waxa haysto qaaradda inteeda kale.
Labo deeqaha la siiyo qaaradda Afrika waa in loo arkaa magdhow laga siinayo xoolahooda la boobayo ee aan laga dhigin cawimaad iyo kaalmo abaal wadata. Ugu danbayna waa in xal loo helaa malja’yada canshuuraha ee lagu qarsado lacagaha laga soo xado Afrika si qaaraddu u hesho maalgashi dadkeedu leeyahay. Dhabta ayaa ah in Afrika oo adduunka uga diiwaan gashan culays gacanta lagu hayo ay tahay midda lagu dul noolyahay ee biisho caruuraha raaxada ku nool.
W/Q: Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/






READ MORE FROM THE SOURCE: Afrika iyo Galbeedka kee la biilaa, keese wax biilo?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.