Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka oo hortagay Baarlamaanka, kana jawaabay su’aalo…

0
41

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa maanta hortagey Xildhibaanada golaha Shacabka waxaana uu Xildhibaanada ugaga jawaabay su’aalo ku aadan howlaha shaqo ee Hey’adda.
Ugu horeyn Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka war bixiyay habka ay u shaqeyso Hey’adda Socdaalka isagoo faahfaahiyay habka lagu bixiyo baasaboorka Soomaaliya oo uu Agaasimahu xusay in laga heli karo adeegga Baasaboorka 28 Xarun oo dalka gudihiisa ah, iyo 31 xarun oo dalka dibadiisa ah oo isugu jiro Safaaradaha iyo qunsuliydaha Soomaaliya ay ku leedahay wadamada Caalamka.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa sheegay in sanadkii hore la hirgeliyay 13 goobood oo Dalka gudihiisa ah iyo 5 Safaaradood oo laga heli karo adeegga Baasaboorka Soomaaliya, taas oo aheyd ka jawaabidda baahiyaha ay u qabaaan muwaadiniinta ku sugan deegaanadaas iyo Wadamadaasi la gaarsiiyay adeegga Hey’adda.
Agaasimaha oo la weydiiyay su’aal aheyd imisa bar xuduudeed ayay ka howlgashaa Hey’adda Socdaalka, ayaa uga jawaabay , in adeegga Socdaalka laga heli karo 25 barood oo dhulka ah, 4 dekadood iyo 7 garoon oo caalami ah, iyadoo barahaasi ay bixiyaan guud ahaan adeegyada Socdaalka dalka.
Ugu dambeyn , Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale {Koofi} ayaa uga mahadceliyay Xillibaanada Baarlamaanka su’aalaha ay ka weydiiyeen shaqada ay Hey’adda Socdaalku u heyso muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo dhanka kalena sheegay Agaasimahu in ay Hey’addu qaadan doonto wixii talo iyo tusaale ah oo ay soo gudbiyaan golaha shacabku.

                #td_uid_1_5ded4bd647fdc  .td-doubleSlider-2 .td-item1 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/koofi2-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5ded4bd647fdc  .td-doubleSlider-2 .td-item2 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/koofi3-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5ded4bd647fdc  .td-doubleSlider-2 .td-item3 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/koofi4--80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5ded4bd647fdc  .td-doubleSlider-2 .td-item4 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/koofi5.-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5ded4bd647fdc  .td-doubleSlider-2 .td-item5 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/koofi-1-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }





                       Agaasimaha Hey'adda Socdaalka


                            1 of 5

The post Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka oo hortagay Baarlamaanka, kana jawaabay su’aalo… appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka oo hortagay Baarlamaanka, kana jawaabay su’aalo…

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.