|

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Nigeria oo caawa ku sugan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka dalka Nigeria ee National Intelligence Agency (NIA) ayaa caawa ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo booqasho laba maalin qaadaneysa maanta kusoo gaaray caasimadda.
Axmed Abubakar Rufaaci ayaa kulan la qaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin, sida lagu sheegay qoraal kooban oo barta twitter-ka ay soo dhigtay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.
“Axmed Abubakar Rufaaci iyo Fahad Yaasiin, ayaa kala saxiixday isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal.” Sida lagu sheegay qoraalka NISA.
Nabad-sugidda Soomaaliya ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Hase yeeshee bilihii dhowaa waxaa soo badanayey madaxda sirdoonka caalamka ee soo gaaraya Muqdisho.
17-kii September, Taliyaha Siradoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo la kulmay agaasime Fahad Yaasiin, oo ay ka wadahadleen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay la-dagaalanka argagaxisada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com




SOURCE: Agaasimaha hay’adda sirdoonka Nigeria oo caawa ku sugan Muqdisho

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application