Agaasimaha Xafiiska Wasiirka A. Dibadda oo xilka looga qaaday qoraal uu ku taageeray xiriir lala yeesho Israa’iil

0
68

jowhar Somali News Leader
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaqada ka eryay Agaasimihii Xafiiskiisa C/llaahi Axmed Dool, kaasoo qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka ku taageeray xiriir Soomaaliya la yeelato Israa’iil.
C/llaahi Dool ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in diblomaasiyad ahaan aysan wax dhibaato laheyn inay Soomaaliya xiriir diblomaasi la yeelato Israa’iil, waxaana uu sheegay inay danteenu tahay inaan soo dhoweyno.
Sidoo kale waxaa uu ku tilmaamay shacabka reer Falastiin dad khasaaray, isagoo xusay in Ururka Xamaas ay afduubkooda dadkooda ku nool Gaza.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa isna qoraal kooban uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ku sheegay in qof walba oo aaminsan in Israa’iil uu xiriir dhex maro uusan ka shaqeyn karin dowladda Federaalka.
“Israel inta ay dhul Muslimiin ah iyo magaalo barakeysan xoog ku haysato iyo inta ay xabsiga dusha ka furan ku hayso reer Falastiin, wax xiriir ah nama dhex mari karo, qof walba oo fikirkaas qabana kama shaqeyn karo, umana shaqeyn karo Dowladda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Safiirka Soomaaliya u fadhiya Geneva, una qaabilsan Xarunta Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ay ka aamustay codeyntii go’aankii Buuraha Golan Heights oo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku sheegay inay leedahay Israa’iil.
The post Agaasimaha Xafiiska Wasiirka A. Dibadda oo xilka looga qaaday qoraal uu ku taageeray xiriir lala yeesho Israa’iil appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Agaasimaha Xafiiska Wasiirka A. Dibadda oo xilka looga qaaday qoraal uu ku taageeray xiriir lala yeesho Israa’iil

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.