Aguero,Sterling Vs Salah, Mane: Is Bar-Bar Dhig Lagu Sameeyay Xiddigaha Ugu Fiican Labada Kooxood Ka Hor Kulankooda Axada Yaa Wax Qabad Fiican?

0
36

Maalinta Axada waxa la wada sugayaa kulan xiiso leh oo dhex mari doona hogaamiyayaasha Premier League ee Liverpool Iyo Man city kulan ka dhici doona Garoonka Anfield kana tirsan todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League.
Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa isku dhibco ah hogaanka wada haya inkasta oo ay Man city goolal ku hayso hogaanka premier Leeague marka loo eego in ay wada leeyihiin min 19 dhibcood.
Liverpool iyo Man city ayaa haysta xiddigo badan oo fiican taas oo kulanka ka dhigi karta mid go,aamin doona kooxda ku guulaysan karta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Xiddigaha Man city ee Sergio Aguero iyo Raheem Sterling ayaa ka war qaban fiican xiddigaha Liverpool ee Mohamed salah iyo Sadio Mane kulamada horyaalka ka hor kulankooda Axada.
Sergio Aguero iyo Raheem Sterling ayaa ilaa haatan dhaliyay 10 gool oo premier League ah xilli ciyaareedkan halka ay xiddigaha Liverpool ee Salah iyo Mane kaliya dhalueen 7 gool horyaalka premier League.
 




SOURCE: Aguero,Sterling Vs Salah, Mane: Is Bar-Bar Dhig Lagu Sameeyay Xiddigaha Ugu Fiican Labada Kooxood Ka Hor Kulankooda Axada Yaa Wax Qabad Fiican?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.