Akhriso: Fahad Yaasin oo aan 3 qodob u saamixi doonin ka miro dhalinta xilka cusub ee loo magacabay

0
61

Muqdisho (Caasimad Online)-Sida ku cad wareegto magacaabis ah oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia waxaa Agaasimihii madaxtooyada Somalia Fahad Yasin loo magacaabay taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugida Qaranka Somalia.
Fahad Yaasiin ayaa horey u ahaa agaasimihii Madaxtooyada, waxa uuna xiligan u xuub siibtay dhanka amniga, xili ay dhaliilo kasoo baxayan magacaabidiisa.
Fahad Yaasiin, ayaan horay uga soo shaqeyn amniga waxa ayna iminka tani tahay mid xal loogu raadinaayo Khilaaf dhanka Madaxtooyada ah oo kala dhexeeyay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre.
Fahad Yaasiin, oo saacado kooban magacaaban ayaa waxaa durba soo baxaaya warar sheegaya in lagu qancinaayo dowlada Qadar oo garab u ah Somalia, maadaama aan xil la’aan laga dhigi Karin Fahad.
Fahad Yaasiin, ayaa intiisa badan kasoo shaqeeyay Hay’ado gaara oo madaxbanaan iyo mid warbaahineed, iyadoo muddo hal sano iyo bar uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Somalia.
Dhaliilaha durba ka dhalanaaya magacaabida Fahad Yaasiin ayaa la xiriirta inaanu khibrad u laheyn howlaha amniga xili Somalia ay u baahan tahay in laga yareeyo Qaraxyada iyo Dilalka kusii kordhaaya.
Xilka loo magacaabay Fahad Yaasiin oo munaasib ku ahaa shaqsi in muddo ah kusoo jiray howlaha amni ayaa waxa ay su’aashu tahay waxqabadka laga filankaro Fahad oo aan ehel u aheyn amniga.
Korneyl Axmed Maxamuud Cali oo tan iyo xiligii Maxamed Siyaad barre ka shaqeynaayay howlaha amniga oo ka hadlay magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay wali tahay mid qabyo u ah Qaranimada Somalia, waxa uuna cadeeyay in amniga dalka uusan ku wanaagsaneyn qancinta qabiil gaara.
Waxa uu sheegay Korneelka in Somalia aysan xiligaan u baahneyn shaqsiyaad aan ku xeel-dheeren arrimaha amniga, waxa uuna taasi bedelkeeda cadeeyay in Qaranka ay tani ku noqoneyso qiyaano maadaama aan Fahad Yaasiin wax ka qaban Karin amniga.
Waxa uu tilmaamay in 3 qodob oo muhiima uusan laheyn Fahad Yaasiin kuwaa oo kala ah:
1-Fahad Yaasiin oo aan laheyn khibrad amni maadaama uusan waligii kasoo shaqeyn howlo amni oo sharci ah.
2-Khibrad yare uu kala kulmi doono kala maareynta argagixisada iyo dhinacyada mucaaradka ee caqabada ku ah amniga dalka.
3-Xeerka Hay’adaha amniga oo mrkii dib loo eego aan u saamaxeynin in Fahad Yaasiin uu qabto xilka loo magacaabay, waxa uuna intaa raaciyay in meesha ay ka baxday rajadii laga qabay in dalka uu kasoo hagaago amni daradii ka jirtay bilihii ugu danbeysay.
Goobah lagu shaaho ayaa waxaa sidoo kale leysla dhexmarayaa magacaabida uu sameeyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, waxa ayna dadku yihiin keliya kuwo mudnaanta siinaaya S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana leh khibrad amni.
Sidoo kale. waxa ay dadku yihiin kuwo is weydiinaaya isbedelada amni oo ay keeni karaan mas’uuliyiinta kasoo dhexmuuqday Wareegtada Madaxweyne Farmaajo kuwaa oo intooda badan aan ehel u aheyn xilka amni ee dusha laga saaray.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga dhowr sugi doonaa guulaha iyo guul darooyinka ka dhalankara magacaabida mas’uuliyiinta.
Caasimad Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Akhriso: Fahad Yaasin oo aan 3 qodob u saamixi doonin ka miro dhalinta xilka cusub ee loo magacabay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.