Akhriso: Liiska waddamada islaamka ee qaatay go’aan lamid ah midkii Somalia ay ku taageertay Sacuudiga

0
257

Qahira (Caasimadda Online) – Dalalka Masar, Kuwayt , Jabuuti, lubnaan, Soomaaliya, Imaaraat-ka, Cummaan, Yamen, Baxrayn, Falastiin iyo Ururka Jaamacadda Carabta, Golaha waddamada Khaliijka, ururka Iskaashiga Islaamka  oo soosaaray bayaanno kala duwan ayaa si wadajir ah u muujiyay in ay garab taagan yihiin Wadanka Sucuudiga oo tobbankii cisho ee ugu dambeysay la kulmayay culeys siyaasadeed.Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegay in Masar ay ka digeyso in arrinta la xiriirta Wariyaha lala’yahay looga faa’iideysto cadaadis la saaro Sucuudiga.Ra’iisulwasaaraha Lubnaan Sacad Xariiri ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiskiisa lagu sheegay in duulaanka Sucuudiga uu yahay mid aan la aqbali karin xadgudubna ah.Ururka Jaamacadda carabta ayaa bayaan kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Ururku uu si cad u diidan yahay isku dayga lagu doonayo in cunaqabatayn lagu saaro Sucuudiga.Sidoo kale dalalka, dalalka Cummaan, Kuwayt, Baxrayn, Falastiin, Soomaaliya,Yamen iyo ururada iyo Isbaheysida Dowladaha Muslimiinta ayaa dhammaan mowqif cad ah oo garab istaag ah ka qaatay xaaladda Sucuudiga.Tan iyo markii 2dii Bishan Nofember la waayay Wariye si aad ah u dhaliili jiray siyaasadda Sucuudiga una dhashay dalkaas oo la tuhunsanyahay in Qunsuliyadda Sucuudiga ee Turkiga uu galay markii ugu war dambaysay ayaa waxaa waddamada reer Yurub iyo Mareykanka culeys siyaasadeed saareen Sucuudiga, iyaga sidoo kale ugu hanjabay in cunaqabatayn ay ugu horreyso dhinaca dhaqaalaha kusoo rogi doonaan haddii aysan caddayn kiiska Wariyaha.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Akhriso: Liiska waddamada islaamka ee qaatay go’aan lamid ah midkii Somalia ay ku taageertay Sacuudiga

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.