AKHRISO QAYBTA KOOWAAD TAARIIKHDA GOOL HAYAHA CAALAMAIGA AH BUFFON.

0
286

Gianluigi “Gigi” Buffon Waa Ciyaar yahan u dashay dalka Talyaaniga waxaa uu dhashay sanadkii 1978dii, waa xirfad yahan kubada cagta ah gaar ahaan waxaa uu qaabilsan yahay dhinaca gool ilaalinta.

Waa xilka kabtanimo uu kasoo qabtay kooxda Seri A-da wadankaasi talyaaniga iyo Xulkiisa Qaranka Talyaaniga,
Waa shaqsi aad ugu wanaagsan tixglinta ciyaaryahanada kale waxaana xidigan dadka u dhuun duleela arimaha ciyaaraha ay ku tilmaamaan hayeeyga qarniga ee gool ilaalinta qaarkoodna waxaaba ay aamin sanyihiin in xidigan uu yahay midka waayadan ugu wanaagsan.

Xidigaan waxaa uu si wayn ugu ordayay hanashada Balon D’or sanadkii 2006dii.
Waxaana loo doortay in uu qayb ka noqdo gudiga FIFPro World Xi.

Sababta uu ku mutaystay kamid noqoshada ururkaasi ayaa lagu sheegay bilad sharafeed uu hantay mudo ka badan 2ba jeer oo uu dadaalo is daba joog ah sameeyay.

Waa Gool hayihii ugu horeeyay Abid eek u guulaysta kuba Dahabka taa oo lagu saleeyay in uu ku helay shaqsiyada iyo kartidiisa Ciyaareed.

Sidoo kale waa gool hayihii ugu horeeyay ee ku guulaystay Bilada Xidigan Seri A-da wadankaasi Talyaaniga.

Intaa oo kaliya kumuusan ekaan Gianluigi “Gigi” Buffon ee waxaa sidoo kale uu guulaystay Jabinta iskooro ku aadan in lagu magacaabay Gool haya Seri A-da Wadankaasi Talyaaniga ugu wanaagsan mudo 12 jeer.

Waxaa sidoo kale Buffon lagu magacaabay Bilada ay Bixiso IFFHS oo waxaa loo aqoonsaday Gool Hayaha Caalamka ugu Wanaagsan waxuu ka haystaa Abaal marintaasi iskoor ku aadan in uu ku guulaystay mudo 5 jeer isagoo la joogay Iker Casillas, waxaana sidoo kale loo magacaabay goolhayaha ugu fiican ee qarniga 21aad gaar ahaan 25kii sano ee aynu kasoo gudubnay iyo tobanka sano ee nasoo aadan sida Hay’adaasi ay shaacisay.

Buffon waxaa uu ku guulaystay 22 kaab marka Xirfadiisa loo eego waxaa ay isugu jiraan ku jiraan 8 Horyaal oo Seri A-ah,Hal Horyaal oo Seri B-ah,5 koob oo Coppa Italia’ah,6 koob oo super copa italia’ah, Hal Koob oo Uefa Cup-ah,iyo hal koob oo Fifa Word Cup ah,
Gianluigi “Gigi” Buffon Waxuu haystaa Recordk-ugu badan ee Seri A-da Dalka Talyaaniga iyo Xulkiisa Qaranka Italia.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.