Akhriso wararka ugu xiisaha badan ee ay maanta daabaceen wargaysyada arimaha ciyaaraha ka faalooda.

0
214

Akhristeyaasheen Sharafta leh waxaan halkaan idinku soo gudbinaynaa Sheekooyinka ugu xiisaha badan ee ay maanta daabaceen Wakaaladaha wararka iyo wargaysyada ka faalooda arimaha ciyaaraha.
fiiro gaar ah Shabakada Laacibadam.com marnaba masuul kama aha sax ahaanshaha iyo xaqiiqda sheekooyinka aan idiin soo gudbin doono.
Chelsea ayaa 35 Malyan oo Pound ugu dhaqaaqi doonta daafaca Juventus Daniele Rugani kaas oo 23-jir ah, Blues ayaa rajeyneysa inuu noqdo saxiixa ugu horreeya ee Maurizio Sarri. (Evening Standard)
Marouane Fellaini ayaa ku dhawaaqi doono talaabadiisa mustaqbalka 1-da July, xiddiga reer Belgium wali kooxdiisa kalama xaajoon inuu saxiixayo heshiis cusub. (MEN)
Real Madrid ayaa quuldareyneysa iney iibiso Marco Asensio oo 22-jir ah si ay awood buuxda ugu hesho saxiixa Neymar Junior, xiddiga reer Spain waxaa xiiseynaya kooxda Liverpool. (Sport)
Manchester United ayaa isha ku heysa xaaladda daafaca Ac Milan Leonardo Bonucci kaas oo 30-jir ah. (Yaahoo)
Arsenal ayaa qarka u saaran iney lasoo saxiixato daafaca Borrusi Dortmund iyo qaranka Greece Sokratis Papastathopoulos, kaas oo 30-jir ah, sidoo kalana waxey wadahadalo kula jirtaa Freiburg si ay kaga hesho Caglar Soyuncu oo 22-jir ah. (Sky Sport)
Agaasimaha ciyaaraha Roma (Monchi) ayaa shaaca ka qaaday in Alisson Becker oo 25-jir ah uusan aheyn mid aan la iibsan karin. (Express)
Man United ayaa la siiyay fursad ay ku qaadato Sergej Milinkovic-Savic oo 32-jir ah xilli SS Lazio ay durba raadineyso badalkiisa, Aaron Ramsey oo 27-jir ah ayaana ka mid ah xidigaha ay isha ku heyso. (Corriere dello Sport)




READ MORE FROM THE SOURCE: Akhriso wararka ugu xiisaha badan ee ay maanta daabaceen wargaysyada arimaha ciyaaraha ka faalooda.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.