AKHRISO WARARKII UGU DAMBEEYAY EE SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOOYDA KA QOREEN WARGAYSYADA.

0
135

Kooxda Man United ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqdo in ay ku heshiis 3 sano ah ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Marouane Fellaini (Telegraph).
 
Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso xiddiga xulka Mexico ee Hector Herrera sida ay sheegayaan wararku (Mirror).
 
Kooxda Man United ayaa ku dhaw in ay Chelsea ka dul qaado weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski iyaga oo isku diyaarinaya in ay dalab ka gudbiso (Sun).
 
Kooxda Liverpool ayaa la soo saxiixatay Bobby Ducan oo ah ina adeerka Steven Geraard kaas oo ka tagay kooxda Man City (Times).
 
Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp oo ay kaga dhagantahay in ay la soo saxiixato xiddiga kooxda Real Madrid ee Marco Asensio (Star).
 
Arsenal ayaa isha ku haysa da,yarka kooxda Real Betis ee Junior Firpo iyaga oo u arka badalka mustaqbalka fog ee daafaca Nacho Moreal (Star).
 
Gareth Bale ayaa wadahadalo dheeraad ah la yeelan doona maamulka kooxda Real Madrid xilli lala xiriirinayo kooxda Man United sida uu xaqiijiyay wakiilkiisu (Star).
 
Kooxda Man United aya dalab cusub oo 60 Milyan ah ka gudbisay daafaca kooxda Inter Milan iyo Xulka Slovakia ee Milan Skriniar oo 23 jir ah (Gazzetta dello Sport).
 
Goolhayaha Kooxda Stoke City ee Lee Grant oo 21 jir ah ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Man United xilli uu noqon doono dookha 3-daad ee ka dambayn doona David de Gea & Sergio Romero (Daily Telegraph).
 
Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Napoli ee Jorginho ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu ugu dambayn ku dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Man City (Daily Mirror).
 
Kooxda Ac Milan ayaa heshiis 3 sano ah ka saxiixatay xiddiga Alen Halilovic kaa oo haatan ku sugan Magaalada Milan kuna qaadanaya tijaabada caafimaadka (Football Italia).
 
Wayne Rooney ayaa xiddiga DC United ah noqon doona saacadaha soo soacda kadib markii uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda reer America (Sky Sport).
 
Daafaca Kooxda Lazio ee Steven De Vrij ayaa ku biiri doona kooxda Inter Milan isaga oo xor ah waxana uu todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doonaa 70 kun isaga oo saxiix doona heshiis shan sano ah (Gazetta dello Sport).
 
ilo wareedyo ku dhaw kooxda Man United ayaa sheegaya in ay kooxda Red Devils diyaar la tahay in ay ku dalbato 250 Milyan Cristaino Ronaldo hadii uu xiddigu warqada bixitaanka u gudbiyo kooxdiisa (Source).
 
Kooxda Liverpool ayaa iska diiday fursad ay si xor ah ugu heli karto xiddiga khadka dhexe ee kooxda schalke ee Max Mayer kadib markii uu xiddigu dalbaday mushahar 4 milyan ah sanadkii (Bild).
 




READ MORE FROM THE SOURCE: AKHRISO WARARKII UGU DAMBEEYAY EE SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOOYDA KA QOREEN WARGAYSYADA.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.