AKHRISO WARARKII UGU DAMBEEYAY XAALADA CAAFIMAAD EE XIDIGA MAXAMED SAALAX.

0
210

Taba baraha Xulka Qaranka Egypt Hector Cuper ayaa waxaa uu soo hadal qaaday halka ay marayso xaalada caafimaad ee Xidigooda Maxamed Saalax oo dhawaanahan la jiifay Dhaawac culus oo dhanka garabka kasoo gaaray Ciyaartii Finalka ahayd ee Champions Leage oo ay ku hardameen Real Madrid iyo Liverpool.

Hector Cuper ayaa warbaahinta la hadlay shalay kadib ciyaar aad u xiiso badan oo saaxiibtinimo uu xulkooda la qaatay Xulka Colombia doo kulamkaasi uu kusoo idlaaday bar baro 0 iyo 0 ah.

Waxaa si cad uu u sheegay in uu Maxamed saalax diyaar u yahay in uu ciyaaro kulamadooda ay kasoo muuqan doonaan koobka aduunka isagoona si gaar ah u balan qaaday in saalax uu ciyaari doono kulankooda ugu horeeya ee ay la qaadan doonaan koobka aduunka xulka Qaranka Uruguay 15ka bishaan aynu ku gudo jirno.

Maxamed Saalax Dad badan ayaa ka cabsi qabay in uu gabi haanba seego kasoo muuqashada koobka Dunida oo dhawaan si rasmi ah uga furmi doona Dalka Russia.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.