Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay Gobolka Gedo

0
264

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Daacish uu xalay illaa shalay ka socday deegaan hoostaga Ceel Cadde.
Sida wararku sheegayaan labada dhinac ayaa la sheegay inay iska dileen tobaneeyo ruux, iyadoo weli aan faah faahin rasmi ah laga heyn dagaalka labada dhinac dhex maraya ee haatan soo gaaray Gobolka Gedo.
Dadka deegaanka Gedo ayaa soo sheegaya in dagaalada ay ahaayeen kuwo goos goos ah, waxaana jiray weeraro gaadmo ah oo labada dhinac isu geysteen.
Warar lagu qoray baraha bulshada ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Daacish ay weerareen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ahaa Bar Koontarool.
Al-Shabaab ayaa Khamiistii ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacish, iyadoo Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raagge uu ku tilmaamay kooxda daacish cudur ama kansar ay tahay in la ciribtiro.
Wakaalada wararka Daacish ee Acmaaq ayaa soo bandhigtay hub iyo daawooyin ay Al-Shababa kaga qabsaday Gobolka Bari, waxaa ay sheegeen inay ka dileen labaatameeyo dagaalame.
Loolanka Al-Shabaab iyo Daacish ayaa soo xoogeystay, markii Kooxda Daacish ay bilowday in dhaqaale uruursato, isla markaana lacago ku soo rogto shirkadaha ganacsi, iyadoo toogasho u geysatay Ganacsato iyo Shaqaale shirkadaha Isgaarsiinta ah, si ay lacago uga hesho shirkadaha.
The post Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay Gobolka Gedo appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay Gobolka Gedo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.