Al-Shabaab oo arrin halis badan abuureysa ka dhex bilaabay MUQDISHO

0
460

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ka dhexwado falal ka dhan ah gaadiidleyda.
Maleeshiyada oo dagaal kula jira dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM, ayaa maalmihii ugu danbeysay bilaabay in gaadiidka raaxada ay ka furtan taarikada.
Maleeshiyada ayaa si gaara u daneysa gaadiidka shaqaalaha dowlada kuwooda lagu galo xarumaha waaweyn, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay inay ku xirtaan gaadiid kale isla markana ay u adeegsadan falal amni darro.
Al-Shabaab ayaa taarikooyinka ay ka furan gaadiidka u isticmaala ismiidaaminta iyo gaadiidka kale oo ay ku geystan weerarada tooska ah.
Taarikooyinka ugu badan oo hadda ay isticmaalan ayaa u badan nooca ugu danbeeya, waxa ayna arrintaani walaac gaara ku abuurtay dhalinyarada u shaqeysa dowlada ee gaadiidkooda uu dayacan yahay.
Hay’adaha amniga dowlada Somalia ayaan inta badan la socon gaadiidka ay ku dhuuntaan Al-Shabaab iyo taarikooyinka ku xiran oo si joogta ah loo bedelo.
Lama oga waxa ay noqon doonto fal celinta dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka, waxaana xusid mudan in weeraro dhowra oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu geystay gaadiid lagu soo xiray taarikooyin laga isticmaala gobolada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasaimada@live.com




SOURCE: Al-Shabaab oo arrin halis badan abuureysa ka dhex bilaabay MUQDISHO

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.