Al-Shabaab oo baahiyay sawirrada saanad ay ka furteen Mareykanka (Daawo)

0
310

Muqdisho (Caasimada Online) – Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya hub, dhaqaale iyo agab kale oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Mareykanka iyo kuwa DANAB oo habeen ka hor weerar ku qaaday deegaanka Daarusalaam.Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ka dhacay deegaanka Daarusalaam sidoo kale ay ku dileen askari u dhashay dalka Mareykanka, iyadoo dowladda Mareykanka ay ka hadashay askarigaasi Al Shabaab ay sheegeen inay dileen.Mareykanka ayaa sheegay in howgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu dilay siddeed kamid ah ciidamada Al Shabaab ee ku sugnaa saldhiga deegaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeelaha Hoose.Mareykanka ayaa sheegay in markii howlgalka uu dhamaaday ay tira koobeen Askarta Mareykanka ah wax khasaare ahna uusan ka soo gaaray howlgalka oo ay ku faaneen in ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.Al Shabaab ayaa sheegay in hal askari uu kaga dhintay weerarka islamarkaana labo kale ay ku dhaawaceen, sidoo kalana askar ay ka dileen ciidamada DANAB ee dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Al-Shabaab oo baahiyay sawirrada saanad ay ka furteen Mareykanka (Daawo)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.