Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan u dhow magaalada Baydhabo

0
559

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa hseegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay la wareegeen deegaanka Goofgaduud Buureey oo dhacda dhanka wadada aada degmada Waajid, una jirta Baydhabo illaa 30KM.
Maleeshiyada Al-Shabaab oo watay gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaankaas xalay abaarihii 11:00, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidankii ku sugnaa deegaankaas ee Maamulka Koofur Galbeed ay isaga baxeen, ka hor inta aysan Shabaabka soo gelin deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka barqadii Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka, kaddib saacado ay gacanta ku hayeen.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga iyo ciidanka Koofur Galbeed ay dib ugu laabteen deegaanka.
Xaalada deegaanka ayaa ah mid degan, lama sheegin wax iska hor imaad ah, dadka deegaanka ayaa hadal haya gacan ku heynta deegaanka oo saacado gudahood labada dhinac isku bedeleen, iyadoo aanay wax rasaas ah dhicin.
The post Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan u dhow magaalada Baydhabo appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan u dhow magaalada Baydhabo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.