Al-Shabaab oo qabatay howl adag oo ay dayacday Dowlada Somalia (Maxay tahay)

0
130

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay deegaanadooda si rasmi ah uga mamnuucday isticmaalka bacaha.
Maleeshiyada ayaa amarka lagu mamnuucayo isticmaalka bacaha ku soo rogtay qeybo ka mid ah Somalia sida Gobolka Shabeelaha Hoose, qeybo kamid ah G/Sh/Dhexe iyo Jubbooyinka.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sababta mamnuucida bacaha ku sheegay inay halis ku hayso deegaanka iyo xoolaha, iyadoo wixii hadda ka dambeeyana ay mamnuuc tahay.
Al-Shabaab inkastoo ay ku doodeyso ilaalinta deegaanka, haddane waxaa in badan lagu eedeeyay jarista geedaha dhuxusha laga sameeyo.
Jarista geedaha ayaa saameyn xoogan ku yeelatay bilicda iyo deeganka ay ka arimiyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab taas oo ah dhibaatada ugu badan ee xiligan ka jirta dhulka ay ka taliso Shabaab.
Wadamo badan oo adduunka ka mid ah ayaa mamnuucay isticmaalka bacda, waxaana la ogaaday in bacda ay halis weyn ku tahay deegaanka iyo xayawaankaba.
Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa ka gaabisay mamnuucida bacaha, waana sababta ay ugu dhiiratay Shabaab.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Al-Shabaab oo qabatay howl adag oo ay dayacday Dowlada Somalia (Maxay tahay)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.